Shirweynaha Heerka Qaran ee Shaqo abuurka Dhallinyaradda Somaliland oo Hargaysa ka furmay Iyo Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyey SAWIRO
Hargaysa 29.August 2018 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka Furay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargaysa Shirweynaha heerka qaran ee Shaqo-abuurka Dhallinyaradda Somaliland.
Munaasibada lagu daah-furayey shirwaynaha shaqo abuurka ee heer qaran oo socon doona laba maalmood ayay ka soo qaybgaleen haldoorka Somaliland, oo iyagu falan qayn ku samayn doona labadaa maalmood midha dhalka shirkaasi la doonayo inay ka soo baxaan, waxana halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumadda, wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, midawga yurub iyo hay’ado kale oo dhawra.
Shirkan oo ay si wada Jir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Shaqo-gelinta,Qoyska, Iyo Arrimaha Bulshadda Iyo Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee Sonyo.
Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta,Qoyska, Iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) oo Madashii furitaanka Shirweynaha heerqaran ee Shaqo abuurka Dhallinyaradda Somaliland ka hadashay ayaa sheegtay in shirweynahani yyahay kii sadexaad ee Somaliland ka qabsooma ”Shirkani waa Shirweynihii Sadexaad ee Somaliland ka qabsooma waana kii Kowaad ee ay qabato Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,anagoo ka duulayna balanqaadyadii Xisbiga Kulmiye iyo balanqaadka Madaxweynaha qaranka ee ah in Shaqooyin loo abuuro dhallinyaradda Somaliland ee ku madhay badaha iyo Saxaraha ayaanu diyaarinay anigoo ku hadlaya afka shaqo abuurka Wasaarad ahaan aanu soo agaasinay shirkan,Waxaan u mahadcelinayaa Cid kasta oo gacan ka gaystay qabsoomida shirkan oo ay ugu horayso hay’ada Save The Children,Dalladda Sonyo,Dalida iyo Midowga Yurub”.
Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta,Qoyska, Iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland waxaa kale oo ay ka hadashay qorsheyaasha ay Wasaarad ahaan u diyaariyeen shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland waxayna Tidhi ”Wasaarad ahaan si dhallinyaradu uga baxdo shaqo la’aanta waxay diyaarisay Siyaasado badan oo fududaynaya sidii dhallintu u heli lahayd shaqo,Waxay Wasaaradu gacanta ku haysaa Siyaasada Shaqo-abuurka kaas oo hada maraya meel gabo gabo ah,Sidoo kale Waxay Wasaaradu gacanta ku haysaa Siyaasadda Carbinta,Waxaa kale oo Wasaaradu gacanta ku haysaa Siyaasadda hawl gabka qaranka, Waxaa kale oo aanu wadnaa Siyaasada nidaamka Shaqo ka fadhiisiga,Sidoo kale Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ayaan gacanta ku haynaa, Kaas oo aanu Kaabis iyo Wax ka bedel aanu ku samaynay Isla markaana aanu dhawaan Golaha Wasiirada hor gayn doono,dhamaanba Siyaasadahaasi waxaan abuurnay mudadii koobnayd ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi talada haysay, waxaan u aragnaa in Siyaasadahan dhamaystirkoodu ay tayo u yeelayso Sidii ay dhallinyaradu shaqo u heli lahaayeen,Waxaanu tababaro kala duwan u fidinaa dhallinyarada kala duwan ee ka baxda Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha iyo Kuwa ay ka luntay wakhtigii ay wax baran lahaayeen kuwaas oo aanu siino xirfado kookooban”.
Wasiir Hinda Jaamac Xirsi Waxay Tusaale u soo qaadatay hay’ad fadhigeedu yahay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo fursad wax ku ool ah u samaysay Dhallinyaradda Somaliland waxayna Tidhi ”Waxaan Tusaale u soo qaadanaya Hay’ada Kuwiytiga ah ee degen Caasimadda Hargaysa waxay dhallinyaradda ay gacanta ku hayso ee agoonta u badan bartaa Xirfado kala duwan,waxaa runtii nasiib wanaag ah in qofku marka uu waxbaarsho ku jiro mudo 18 Sannadood ah ee aanu nasiib u helin inuu shaqo ku helo in taas badalkeeda ay hay’adani dadkii ay wax bartay ay shaqo helaan sannad gudihii”.
Gudoomiyaha Dallada Sonyo Cabdi-casiis Siciid Saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradu yihiin bulshada ugu badan ee Somaliland ku dhaqan ”Da’ yarta Sidii laga dhawaajiyey waa Bulshada ugu badan ee ku nool Jamhuuriyadda Somaliland 70%,Taas macnaheedu waxa weeyaan 2.7 Milyan oo Somaliland ku nool ayaa ah da’ yar taasi waxay Somaliland ka dhigaysaa qaramada ugu badan ee ay da’ yartu ku nooshahay.
Gudoomiyaha Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee Sonyo waxa uu si faahfaahsan uga warbixiyey duruufaha kala duwan ee maanta ku meersan dhallinyaradda Somaliland isagoo dalbaday in la dhiirigeliyo sidii loo fulin lahaa Shirkan heerka qaran ee shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u furay Shirweynaha heerka qaran ee dhallinyaradda Somaliland ayaa dhaabadeeyey qodobada uu u arko in si gaar ah loo tixgeliyo si loo gaadho hadafka shaqo abuurka dhallinyaradda somaliland waxaanu si gaar ah u xusay Sadexdan qodob oo uu mid kastaba iftiimiyey ahmiyadiisa,Madaxweynaha oo qodobadaas ka hadlaya ayaa yidhi.
1. Qodobka ugu Horeeya in Shaqo muwaadin qaban karo aan loo doonan cid ajaanib ahi inay qabato Waxaan u soo jeedinayaa Ganacstada iyo Hay’adaha dalka ku sugan inay qodobkaas tixgelintiisa siiyaan kana taxadiraan in Shaqo uu Muwaadin qaban karo ay Ajaanib u soo Kaxaystaan.
2. In Waxbarashadeena aynu ka bedelno sida ay maanta tahay si ay isu waafaqaan Suuqa Caalamka iyo ka Gudahaba ee Shaqada.
3. Ta u danbaysa Shirka waxaynu ka sugaynaa inuu inoo Sameeyo Iskaashi ah Sidee ayaynu dadkeena u shaqo gelinaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Balanqaaday in Xukuumadiisu ay ku xooga saarayso sidii ay nidaam daah furan ugu shaqayn lahayd taas oo kor u qaadaysa sida uu xusay aaminaada bulshadu ku qabto dawlada,Waxaanu Yidhi.
”Waxa kale oo aan is leeyahay waxa horumar lagu gaadhi karaa waa daah-furnaanta had iyo jeer ra’yi caamkeenu waxay aaminsan yihiin in dawladu tahay meel musuq ah oo wixii loo dhiibaba cunta oo aaminaadu ku yar tahay baac-mushtarkaa aad loo aamninaa, annagu waxaanu ku dadaalaynaa inaanu dadka ka dhaadhicino inaanay dawladu tuugo ahayn oo wixii loo dhiibo daah-furnaan ku maamulno, dawladdu waa hay’ad wayn, mar qudha ma wada hagaagi karto, laakiin waxa naga go’aan ah in ra’yigaas ilaa lixdankii soo jiray aanu badalno dadkuna arkaan in dawladda wixii loo dhiibay la arki karo markaas ayaa shirkadaha iyo baac-mushtarkuba dawladda aaminayaan oo cashuurtana ay bixinayaan”.
Madaxweyne Muuse Biixi Waxa kale oo uu ka hadlay Qodobada ay Xukuumadiisu Mudnaanta siinayso ”Dhalinyaradda waxaanu ugu tallo galnay waxa haysa wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo Wasiirado kale, annaga qorshahayaga shaqadu waa urursan yahay marka la eego dhaqaalaha xukuumadda soo gala, dabcan mudnaanta koowaad maanaan siin shaqo-gelinta, mudnaanta koowaad waxaanu siinay nabad-galyada oo masuuliyadda ugu weyn ee nalaga doonayo ah, mudnaanta labaadna waxaanu siinay caafimaadka, mudnaanta sadexaadna waxaanu siinay waxbarashada, markaa hadaanu qofka amaankiisii, caafimaadkiisii iyo waxbarshadiisiiba kasoo talinay dee shaqo gelintiisa waa in la naga caawiyaa, dhamaantiin aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin”ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi .
Waxaa kale oo Kulankaas Shaqo abuurka Dhallinyaradda Somaliland ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir (Faratoon), Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada Sharmaarke Axmed Muxumed,Xubno ka socday Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah ee u dhaq dhaqaaqa shaqo abuurista dhallinyaradda Somaliland.