Shirwayne uga qabsoomay beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale)Carriga Ingiriiska magaalada London(SAWIRO)
London June 24,2014(SDN/QJ)-Waxaa shir ku kulmay beelwaynta Daa,uud Ismaci(Ciidagale) ee deggen dalka Ingiriiska maalintii ay taariikhdu ahayd 21/06/2014 ,waxaana ka soo qayb galay bulshada beeshan qaybaheeda kala duwan kana kala yimi gobollada iyo deegaannada dalkan.
waxaana ku kulmay wajiyo isu baahnaa in ay madal sidan oo kale ah ku kulmaan kuwaas oo laga dheehanayey farxad iyo ididiilo hor leh, shirkaas oo ay ujeedadiisu ahayd in lagu doorto guddi cusub oo ay yeelato beeshu una hawl gasha sidii ay wax ugala qaban lahayd danaheeda,waxaanay guddani beddeshay middii hore hoggaanka ugu soo haysay muddada labada sannadood ahayd waxna dheeraayeen taas oo soo gaadhsiisay meel laga sii amba qaadi karo,guddida cusubi waxay ku dedaali doontaa sidii ay uga midho dhalin lahayd baahiyaha jira gaarahaan adkaynta midnimada meel kasta oo ay beeshu ku dhaqantay ,qurbaha oo ay xidhiidh la samayn doonto iyo dalkii Somaliland intaba,guddidu waxay ballan qaadaysaa wada shaqaynta bulshadan qaybaheeda kala duwan sida; madaxdhameedaka beesha,ganacsatada,ururrda jira kana mid yihiin ururwaynaha guud ee Gaaroodi,ururrda soo raaca sida Haldoor,Hablaha Gaaroodi,Gacanqabad,Guryasamo iyo kuwa anaan halkan ku xusin.
Shirkaas waxaa hadalo dhaxal gala ah ka jeediyey mudanayaal iyo marwooyin sharaf ka mudan beesha oo dhammaantood ku celceliyey muhiimada ay leeyihiin wada jirku,iska warhaynta iyo sidii loogu guntan lahaa horumarka dhinac walba.
Qodobada ka soo baxay shirkaas ee laysla afgartay waxaa ka mid ah.
- In si isdajoog ah looga wada qayb qaato dhammaystirta waddada cad.
- Ku dhawaaqidda guddi cusub.
- Ilaalinta nabadgelyada dal kasta oo la joogo.
- In horumarka laga wada shaqeeyo qurbajoogga iyo dalka Somaliland gudihiisaba.
- In shir beeshu u dhantay dalka gudihiisa lagu qabto inta aanu sannadkani dhammaan kaas oo ay iska kaashanayaan dhammaan bulshada beesha qaybaheeda kala duwan.
- Beelaha dalka Somaliland wada dega walaalnimo beeshu kula noolaato.
- In la sii adkeeyo midnimada beesha meelna looga soo wada jeedo.
- In la tix galiyo kala dambaynta taas oo lagu gaadhi karo liibaanta nolosha.
- In la badiyo ixtiraamka lagana dheeraado wax kasta oo dhibaato keeni kara.
- Deeq Cabdi Digale======= Guddoomiye.
- Mustafe Cabdulahi Ismacil==Guddoomiye ku xigeen.
- Cabdulqadir Cali Baraar===Xoghaye.
- Cabdi Cabdulahi Mooge==xubin.
- Maxamed Cabdi Omaar===xubin.
- Mawlid Axmed Iidan======xubin.
- Adan Farax Geedi=========Xubin.
- Ismacil Muxumed Caligod==xubin.
- Cabddulahi Xasan Maxamed=xubin.
- Sahra Ismacil Xasan========Guddoomiye garabka haweenka.
- Hodan Suldan Rashid======Khasnajiyad.
- Amina Xaashi Guuled======xubin.
- Fosiya Cisman Cawaale=====xubin.
- Ifrax Maxamed Baaruud====xubin.
- Fardawsa Adan Koodbuur==xubin.
- Adan Mooge Xirsi (Adan ingiriis)
- Maxamed Xasan Jafal.
- Maxamed Yusuf Diirqadhaadh.
- Xasan Macalin.
- Abokor M.Shukri.
- Sheekh Ibrahim.
- Ismacil A.Xaawa.
Deeq Cabdi Digale