“Shirqoolkaygii Madaxtooyadaa Ka Talisay, Ujeeddaduna waxa ay Ahayd In Beelaha Reer Saaxil Is dilaaan, anna waxa Go’aansaday……”Xildh. Qabille.
Hargeysa:April,22,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo kamid ah Mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland, ayaa ka Hadlay Weerarro hore loogu qaaday oo lagu khaarajinayey, kuwaas oo uu dusha ka saaray Abaabulkeeda Aqalka Madaxtooyada.
Maxamed Faarax Qabille oo u warramay Warbaahinta, ayaa si muq leh uga warramay halka ay marayaan weerarro qorshaysnaa oo hore loogu qaaday sanado ka hor, waxana uu xusay inuu haatan iskaga hadhay dadkii weerarkiisa ku lugta lahaa si uu uga hortago ujeeddo uu sheegay inay madaxtooyadu ku doonayso inay beeluhu isku dhacaan.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in baadhitaanada kiiskiigu galeen ugu yaraan Toddoba masuuliyiin madaxtooyada katirsan, kuwaas oo xeer ilaalintu diiday in sharciga la horkeeno, taasina isaga ku keentay inuu Sii daayo xubno laba ahaa oo u xidhnaa kiiskiisa,
“Waxa dhacday In Madaxtooyadu doontay, iyadoo dadka wax tooganayey oo afar qof gaadhayey la soo qabtay ilaa toddoba xubnood oo masuuliyiin u badan ayuu kiiskaasi geliyey. Mana ay suurtogelin in sharciga la horkeeno. Ujeedadda laga lahaa shirqoolkanna waxa ay ahayd in reer ka tirsan Beelaha Saaxili ay is dilaan, madaxtooyadaana ka talisay arrintaas, si aanay taasi u suurtogelin maadaama kiiskii oo dhamaystiran aan lasoo qabaynin, waxana go’aansaday maadaama aan u arkayey in labadaas inan maskaxda laga xaday, waxana isu keenay raxan odayaal ah oo beesha ah, waxana aan u sheegay isku daygaasi inuu ahaa markii saddexaad.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabille.
Waxa xusid mudan in horraantii sanadkii 2013-kii weerar rasaas loo adeegsaday loogu geystay Badhtamaha magaalada Hargeysa xilliyo habeenimo ah, waxana taas xigtay weerar kale oo wiil uu dhalay loogu geystay magaalada Burco, kaas oo ilaa iyo haatan dhaawacaasi la legdamaya.
SDN/QJ