Shirqoolka Saxaafada Xorta Ah Iyo Dimuqraadiyada(Qeybtii 2aad)
Saxaafada madaxa bannaan waxaa la rumeysan yahay in ay qeyb libaax ku lahayd guushii Siilaanyo ee hanashada kursiga. Maantana waxaan la wada soconaa halka ay kala taagan yihiin.
Waxa cad oo aanu caad saarneyn in
C/laahi cukuse uu god madow ku riday madaxbanaanidii saxaafada xorta ah iyo dimuqraadiyadiiba. Taasina waxa ay kicisay caadifad badan oo min bari ilaa galbeed dalkii wada gaadhay. Waayo Somaliland dhaqan uma ay ahayn cabudhin iyo caga jugleyn ee waxa ay caan ku ahayd wada hadal, isfaham iyo fikir xor ah. Hasa yeeshee waxa ceebtu dul hoganeysaa wasiirkii warfaafinta ee halkii uu jawi wanaagsan abuuri lahaa xaalad kicin iyo buuq kula galgashay xukuumada uu ka tirsan yahay kadib markuu ku guuldareystay xilkii qaranka.
Waxa aad la isu weydiinayaa oo ay had iyo goor dadku hadal hayaan ismaandhaafka, xiisada aan kala go’a lahayn iyo aaminbaxa shacbiga ee ay xukuumadani dul saaran. Iyada oo ay dadku ogyihiin indhahoodana ku arkaan waxqabad meelo badan ah oo runtii ay maamulkani niyad wanaagsan la yimaadeen.
Hadaba waxa loo baahnaa xukuumadu iyadoo ka jawaabeysa cabashada dadweynaha ee aan la dafiri karin inay isweydiiso sababta keentay kalsooni darida shacbigii sida weyn ugu codeeyay.
Hadii ay isweydiiyaan su’aashaasi oo ay yidhaahdaan WHY? Waxa aan hubaa in si fudud loo soo celin karo kalsoonidii la lumiyay.
Balse waxa aad moodaa in ay xukuumadu taa badalkeeda qaaday talaabooyin ay dabka ku sii huriso, kuwaas oo xaalada ka dhigay mid adag.
Waxa aan tusaale u soo qaadan karnaa tallaabooyinka saxaafada lagu cadaadiyay ee colaada iyo kala fogaanta dhaliyay.
Tallaabooyinkaasi waxa aan ku tilmaami karaa inay ahaayeen kuwo aan loo baahneyn oo siyaasad xumo ah, oo macno darro ah. Waxa aan anigu qabaa in masuuliyada fadeexadahaasi dusha loo saaro wasiirka warfaafinta
C/laahi Cukise oo kow ka ah xubnaha aabaha u ah guuldarooyinka siyaasadeed ee maamulka Siilaanyo lasoo dersay.
Walaaqa iyo maamul xumada wasiirkan waxay ka cadheysiisay dad badan waxana ay keentay niyad jab laga niyad jabay guud ahaan nidaamka dalka maamula.
Hadaba mudane madaxweyne yaan kolba meel aanu xalku ku jirin laga baadi doonin ee hala dhageysto cabashooyinka hana la dhaafiyo meesha xubnaha waxmatarayaasha fashilmay, isla markaana waa in la dhisaa xukuumad hanata quluubta shacbiga, xaaladana dajisa.
Hadii sidaasi la waayo waa guul darro, fashil iyo khaatumo la’aan.
Lasoco qeybaha dambe…..
ALLAA MAHAD LEH
By: Sakaria Abdi Sulub
past PR of the min. Of Inform.
And Senior journalist
Email: sekriasulub@gmail.com
Mob: +252 63-441-3932