|

‘Shirkii Somaliland iyo Soomaaliya dhexmaray waxa uu Guul u soo hooyay Qarankeena’

Tan iyo markii ay talada dalka qabatay xukuumada Somaliland ee uu Hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxaa ay gashay dedaal aad u dheer sidii Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland looga midho dhalin lahaa, arrinta madaxbanaanida Somalilandna loo gaadhsiin lahaa fagaarayaasha sare ee Caalamka si looga midho dhaliyo in qarankeenu uu dunida caalamka ka helo Aqoonsi buuxa. Iyada oo arrintaas laga duulayo ayaa Xukuumada Somaliland oo kaashanaysa shacbigeeda, golayaasheeda qaranka, Asxaabta Mucaaridka iyo dadweynaha reer Somaliland oo isku duubani ay go’aansatay inay ka qayb gasho shirkii London ee dunidu ay kaga hadlaysay arrimaha Soomaalida 23kii bishii February ee sanadkan 2012ka.

Go’aankaas geesinimada lahaa ee Xukuumada Somaliland ay qaadatay inay shirkaas London ka qayb gasho ayaa fure u ahaa in caalamku markii u horraysay si rasmi ah u kala saaro Somaliland iyo Somaliya iyada oo shirkaas dunidu isku raacday in Somaliland iyo Somaliya ay ka wada hadlaan xidhiidhkooda Mustaqbalka iyada oo duniduna taageerayso wada hadaladaas.
Hadaba Shirkan farsamo ee labada wafdi ee ka socday Somaliland iyo Soomaaliya ee ku dhex marayay xarunta Chevening House intii u dhaxaysay 20-21 June waxa uu salka ku hayay qodobkaas hore uga soo baxay shirkaas London oo mar kalana lagu ayiday shirkii ka dhacay magaalada Stanbul ee dalka Turkiga.
Shirkan Maxaa Somaliland Faaiido ay ka Heshay?
Wafdigii Somaliland ka socday waxa ay wafdiga reer Sooomaliya la galeen doodo aad u kulul, garnaqsi, hogo tusaalayn iyo fahamsiin ay si balaadhan ugu sharraxeen reer Soomaliya in Somaliland iyo Shacbigeedu ay xorriyada ay haystaan ay usoo mareen wado dheer oo dhiig leh, marnabana aanay wax gor-gortan ah ka galaynin Madaxbanaanida Somaliland, waxa kale oo ay wafdigeenu u sharraxeen wafdiga Soomaaliya ka socday iyo madaxdii goobjooga ka ahaydba in Madaxbanaanida Somaliland lagu ansixiyay Afti dadweyne sanadkii 2001 taasi oo reer Somaliland ay 97% u codeeyeen madaxbanaanida Somaliland, iyada oo aanay marnaba jirin cid awood u leh inay gorgortan galin karto Madaxbanaaniada Somaliland, laakiin Somaliland ay diyaar u tahay wixii labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya dan u ah ee ay iska kaashan karaan.

Doodo culus oo ay labada dhinac is weydaarsadeen waxa ay labada dhinac ku qanceen in Somaliland iyo Somaliya ay yihiin laba dawladood oo siman, una wada hadlaya si siman. iyada oo nuxurka shirkaas ka soo baxay uu yahay sidan:-

1. Waxa la isla Ogolaaday in wada hadalku uu u dhaxeeyo ama dhex marayo labada dhinac ee kala ah dawlada ku meel gaadhka ah, ama dawlada bedesha ta ku meelgaadhka ah iyo Somaliland sidii uu dhigayay qodobkii 6aad ee Shirkii London farqadiisii 11aad, kaasoo sidoo kalana lagu ayiday shirkii Stanbul.

Halkaas waxaa ka cad in sheekooyinkii khiyaaliaga ahaa ay meesha ka baxeen oo ay dunidu aqoonsatay in dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray ay ka jiraan laba dhinac oo kala ah Somaliland iyo Somalia, taasina waa guul aad u weyn oo usoo hoyatay qarankeena, kuwaas oo dunida horteeda leh xuquuq siman.

2. Waxaa kale oo la isla ogolaaday in la qaato ujeedo guud oo ku qotonta in laga hor tago wax kasta oo caraqalad gelin kara ama wax yeellayn kara wada hadalada kor lagu xusay.

3. Waxaa la isla gartay in la sii wado wada hadalada iyada oo labada Madaxweyne loogu baaqay inay kulmaan si ay ula socdaan heerarka ama horumarka laga sameeyo wada hadalada.

Qodobkani waxa uu qeexayaa si simana u aqoonsanayaa oo uu tilmaamayaa sinaanshaha labada Madaxweyne iyo inay yihiin laba Madaxweyne oo Somaliland iyo Somaliya kala hogaamiya.

4. Waxaa dunida loogu baaqay inay sii wadaan fududaynta in wada hadaladu ay sii socdaan, isla markaasna ay calamku ku taageeraan laba dhinac Khuburo aqoon u leh arrimaha Sharciga, Dhaqaalaha, iyo Arrimaha nabadgelyada.
Arrintani waxay Somaliland siinaysaa fursad ay ku soo bandhigto doodaheeda sharci ee ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland.

5. Waxaa la isla qaatay in la is weydaarsado wixii waayo aragnimo ah, caalamkana loogala shaqayn lahaa dhinaca horumarka iyo sidii caawimooyinka iyo taakulada loo gaadhsiin lahaa dadweynaha labada dhinac, dunidana waxaa loogu baaqay inay sii kordhiso caawimada iyo taageerooyinka ay bixiyaan.

Qodobkani waxa uu Somaliland xaq u siinayaa in caawimada si siman ay u hesho, qaybteenana aynu gaar u helno oo aan la inoo soo marin meel kale.

6. Waxaa la isla ogolaaday in laga wada shaqeeyo la dagaalanka Argagixisada, xag jirnimada, iyo dambiyada culus.
Qodobkani waxa uu faaiido balaadhan u leeyahay Somaliland iyo Geeska Afrikaba, waxaana uu laamaha amaanka Somaliland fursad u siinayaa inay macluumaadka arrimaha amaanka is weydaarsadaan laamaha amaanka ee Soomaaliya, maadaama ay argagixisada dalkeena dhibta ku haysaa ay ka soo burqato dhinaca soomaaliya.

7. Waxaa kale oo la isla ogolaaday in wada jir looga shaqeeyo la dagaalanka Budhcad badeeda ee badda iyo dhulkaba, sidoo kale la iska kaashado dembiyada ka dhaca badaha, iyo tuugada khayraadka badda iyo sumaynta ama wasakhaynta badda.

Qodobkaasi waxa uu wax weyn ka tari doonaa in budhcad badeeda oo dhibaato ku haysa dalkeena iyo dunida kalaba aynu helno in Soomaaliya ay inagala shaqayso maadaama ay dhinaca Soomaaliya dhibaatada budhcad badeedu ka timaado.
8. Waxaa la isku raacay oo mar kale lagu celiyay taageerada ah ah in la soo afjaro xiliga ku meel gaadhka ah.
Qodobkan sideedaad ee ku meel gaadhku waxa uu gaar u yahay reer Soomaaliya, Jamhuuriyada Somalilandna qayb kama aha Dawlada ku meel gaadhka ah iyo dawlada badalaysa toona, hase yeeshee waa qodob ay dunida oo dhan Afrika, Yurub, Ameerika iyo Qaramada midoobayba ay isku raacsan yihiin in la soo afjaro xiliga ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya si dawlad rasmi ah loogu dhiso soomaaliya, sidaas darteed ayaa Xukuumada Somaliland ay dunida kala siman tahay in lasoo af jaro xiliga ku meel gaadhka ah si walaalaheena reer Soomaaliya ay u helaan dawlad rasmi ah.Waad Mahadsan tihiin.

Danjire Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland
kaysar@diplomats.com

Comments are closed