|

Shirkii Sadexaad ee Khaatumo oo Jewi aan loo dhamayn ku furmay iyo Kala Qaybsanaan soo ifbaxday

Taleex 09.June 2014 (SDN/QJ)- Shirkii sadexaad ee la magac baxay Khaatumo 3 ayaa maanta ka furmay magaalada Taleex ee degmada Taleex oo gobolka Sool,iyadoo ay jiraan madax dhaqameed  badan oo aan ka qayb galin oo markii hore laf dhabar u ahaa aasaaska kooxda Khaatumo State.

taleexWaxaana furitaanka shirka ku dhawaaqay Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha-sheel).

Waxaa madasha shirka ku sugnaa dadkii la filaayay inay goobta yimaadaan dad aad uga yar, iyadoo halkaas ay ka hadleen guddoomiyaha guddiga G10, Dr. Cali Ciise oo ka warbixiyey maamulka iyo muddadii uu jirey wixii u qabsoomay, isagoo tilmaamay inay nabaddu tahay mid loo baahan yahay in laga shaqeeyo.

 

Sidoo kale, madaxda dhaqanka oo uu ka mid yahay; Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa wuxuu sheegay inay guul ka joogaan maadaama shirku furmay.

 

Furitaanka shirkan ayaa  ku soo beegmay xilli uu khilaaf badani u dhexeeyo madaxda dhaqanka ee dadka deegaanka sool ku abtirsada isla markaana ay jiraan hoggaamiyeyaal dhaqan oo muhiim u ah beesha reer Sool oo aan ka qayb galin shirka ay maata fureen kooxda Khaatumo oo la filao in lagu soo doorto hoggaanka cusub ee kooxda Khaatumo  eek u sugan magaalooyinka Taleex iyo Buuhoodle.

Waxaa iyana shirka ka maqan madaxdii dhaqanka ee gobolka Nugaal oo ay ka mid yihiin, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ku sugan degmada Xuddun isaga iyo cuqaal tobaneeyo ah oo xal-nabaeed ka baadi doonaya beelo colaad dhiig ku daatay dhex-martay, waxayna sheegeen in ay ceeb tahay in shirka la qabto iyadoo ay colaado taagan yihiin.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaan tegin Taleex,

Waxaanay wararku intaa ku darayaan in ay jiraan kala fikir duwanaan badan oo u dhaxaysa madaxda dhaqanka ee reer Sool,taasoo sabab u noqotay in aan laga wada qayb galin furitaanka shirka sadexaad ee Khaatumo oo maanta ka furmay Magaalada Taleex.

Kala maqnaanta reer Sool ee shirka Khaatumo 3,ayaa noqonaysa mid waji gabax siyaasdeed ku keeni karta kooxda Khaatumo oo iyagu sheegta in ay masuul ka yihiin hoggaaminta siyaasadda reer Sool.

Taleex SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed