Shirkii Qurbejoogta Somalida uga socday Istanbul oo la soo gunaaday,Maxaa ka soo baxay {SAWIRO}
Istanbul 22.June 2014 (SDN/QJ)- Shirkii qaar ka mid ah qurba-joogta Soomaalida ku lahaayeen Istanbuul ayaa la soo gabagabeeyey iyadoo ay ka soo baxeen qodobo tilmaamay in la mideeyo aragtida qurba-joogta Soomaalida, si loo xoojiyo kaalinta ay ka cayaaraan dib u soo celinta amniga Soomaaliya.
Drs. Maryan Qaasim oo ka mid aheyd xubnaha abaabulay shirkaan, ayaa sheegtay in go’aamada shirkaan uu hormuud u noqon doono wada shaqeyn buuxda oo dhax marta qurba jooga.
Shirkaan oo ay ka qayb galeen madax ka socotay dalka Turkiga ayaa la isla meel dhigay in si midnimo leh ay qurba-joogta uga adeegaan shacabka Soomaaliyeed, dowladdana Soomaaliyana ka taageeraan sidii nabad loo hirgalin lahaa guud ahaan dalka.
Xubnaha qurba joogta ee kulanka ka qayb galay qaarkood oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in natiijada shirka ay ku faraxsan yihiin.
Istanbul SDN/QJ
contact@qurbejoog.com