Shirkii labaad ee dib-u-habaynta Caddaalada iyo Garsoorka Somaliland oo ka furmay Hargeysa
Hargeysa 09, May 2012 (Qurbejoog.com)- Shir ku saabsan dib-u-habaynta waaxda Garsoorka Somaliland, ayaa maanta ka furmay caasimadda dalka ee Hargeysa.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxa uu la xidhiidhaa wadatashi iyo xog iswaydaarsi ku saabsan dib-u-habaynta Cadaaladda, iyadoo shir noociisa ah badhtamihii sannadkii hore lagu qabtay Hargeysa.
Kulankan waxa furitaankiisii ka qaybgalay wasiirada Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid, Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), shaqada iyo arimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aaden, Agaasimaha guud ee wasaarada Caddaalada iyo masuuliyiin ka socotay hay’adda barnaamijyada horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP.
Wasiirka Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid oo kulankaas hadal ka jeediyay, waxa uu sheegay in shirkii dhanka Caddaalada ee sanadkii hore qabsoomay laga soo saaray shuruuc iyo xogo ku saabsan dib-u-habaynta Garsoorka dalka, kulankana lagu qaybin doono qoraalo arimahaas ku saabsan oo la isku soo dubariday.
Waxa uu sheegay inay lama huraan nqotay in la dejiyo qorshahii shanta sano ee lagu horumarinayay Caddaalada Somaliland, taasina ay tahay mid u baahan in la helo bah cadaaladeed oo wada socota.
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo isna hadal kooban ka jeediyay shirkaas, waxa uu sheegay in qorshaha xukuumadda Somaliland ee ku qotoma dib-u-habaynta cadaaladu uu yahay mid ka midho-dhalintiisa ay bulshadu sugayso, sidaa darteedna loo baahan yahay in hay’addaha waaxda Garsoorku noqdaan kuwo gaadha cadaalada dhabta ah.
Wasiirka Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu ku dooday in kulankani yahay mid midaynaya bulshada iyo xukuumadda, taasoo muujinaysa in talada iyo toosinteedaba la wada leeyahay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Distooriga garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali oo isna hadal ka jeediyay shirkaas, waxa uu tilmaamay baahida loo qabo in kulankan lagaga faa’iidaysto sidii loo habayn lahaa sharciga Garsoorka, iyadoo laga duulayo qorshihii ka soo baxay shirkii sannadkii hore lagu qabtay Hargeysa.
Xeer-ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aaden iyo masuuliyiin ka socotay hay’adda UNDP, kulliyadaha Sharciga ee Jaamacaddaha dalka qaarkood iyo masuuliyiin kale oo halkaas ka hadlay, ayaa iyana tilmaamay muhiimada uu shirkaasi u leeyahay dib-u-habaynta Garsoorka Somaliland.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com