Shirkii Kulmiye Oo Furmay, Saylici iyo Ergooyinkii Beeshiisa Oo Diiday Inay Galaan Madasha Shirka iyo Xirsi iyo Samaale Oo Ladqabo Loogu Diray
Hargeysa:April,28,2014(SDN/QJ)- Shirweynihii Saddexaad Ee Xisbiga Kulmiye ayaa haatan ka furmay Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa, waxana Goobta ka Maqan Maddaxweyne-ku-xigeenkii somaliland iyo waliba Ergooyinkii Beesha Samaroon oo dhan.
Mudane Saylici ayaa in badan shirka lala sugay, haatanse markii uu iman waayey isaga iyo ergooyika beeshiisa ayaa si rasmi ah loo furay shirka.
Wararka aanu ilaa iyo Hadda hayno ayaa sheegaya in Saylici uu saluugsan yahay Qaabka loo maamulay Ergooyinka Xisbiga, isagoo maalintii shalay ay six un iskugu xanaaqeen Guddoomiye Muuse iyo Kooxda Guddoominaysa Shirweynaha.
Waxa uu galabnimadii shalay Saylici Codsaday in dib loo dhigo Shirweynaha Muddo Kooban, waxase taas ka diiday Guddoonka Xisbiga, waxana ay taasi keentay inuu cadho kaga baxo xarunta Xisbiga Kulmiye.
Buuq iyo cabasho badan oo madaxweyne-ku-xigeenka kaga timi dhinaca Gobolka Awdal ayuu codsaday in dib loo eego si loo qanciyo dadka cabanaya, waxase taas dheg jalaq u siin waayey madaxda kale ee Xisbiga oo ku adkaystay siyaasadda ay caanka ku yihiin ee ah la isu joojin maayo.
Madaxweyne ku-xgeenka ayaa la sheegay inu Telefoon kula xidhiidhay ergooyin ka tirsan Beesha Gobolka Awdal, isagoo u sheegay inaanay Haboonayn in la fadhiisto madasha maadaama Soo Jeedimahoodii la diiday.
Saylici ayaa haatan ku sugan Hutel Mansoor, balse waxa uu diiday inuu Gudaha ugalo hutelka, iyadoo wasiirada wasaaradaha Maaliyadda iyo Madaxtooyada ladqabo loogu diray.
Wasiir Xirsi iyo Samaale ayaa haatan Madaxweyne-ku-xigeenka kula HHadlaya Qaybta Hore ee Huttel Mansor oo uu ku sugan yahay, waxana ay isku dayayaan inuu shirweynaha soo Galo isaga iyo Wufuud ballaadhan oo ka tirsan Ergooyinkii Gobolka Awdal.
Wixii warar ah ee shirkan ku soo kordha kala soco qurbejoog.com
SDN/QJ-Hargeysa