Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Dib Loogu Riixay 05/08/2014 Iyo
Hargaysa: 24,June,2014(SDN/QJ)-Xoh-haya Guud ee Xisbiga taladda Somaliland haya ee Kulmiye,ayaa war qoraal ah oo goor dhawayd soo saaray waxa uu sheegay in dib loo dhigay Shiweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Waxa sheeegay in kulan ay maanta iskugu yimaadeen Xubno ka tirsan Hogaanka Xisbiga Kulimye lagu go’aamiyay inta lagu gudo jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan Dib loo dhigo shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga.
Waxaaana uu u dhignaa Qoraalkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakdda Wararka Caalamiga ah Qurebehjoog.com sida tan: “Ku: Dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe
Og: Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye
Og: Madaxweynaha JSL
Ujeeddo:- War-gelin
Shir uu isugu yeedhay maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/06/2014 Madaxweynaha JSL Xubnaha Hogaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee mudadiisu ku eekayd maanta oo ah 24/06/2014 dib loo dhigo muddada lagu jiro bisha Ramadaan.
Sidaas darteed, Xubnaha hogaanka oo ku joogay intooda badan (Majority) waxay ka aqbaleen Madaxweynaha codsigaa isaga ah.
Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loogu dhigo illaa inta lagu guddo jiro bisha Ramadaan, lana qaban doono 05/08/2014”
Allaa Mahad Leh
Xasan Siciid Yuusuf
Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye
SDN/QJ-Haragysa
contact@somalidiasporanews.com