Shirkii Dooda Qaran oo Dib u dhacay Isla markaana aan dib loo astayn Xiliga la qabanayo
Hargaysa 11.Feb 2014 (SDN)- Akadamiga nabadda iyo horrumarinta Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dib-u-dhaca ku yimid Shirkii dood cilmiyeedka Xisbiyada qaranka oo loo qorsheeyey inay ku qabsoonto 10 February 2014-ka, isla markaana waxay ka raali-geliyeen cidkasta oo daneynaysa shirkaasi inuu dib u dhac ku yimid.
Agaasimaha Fulinta Akaademiga nabadda iyo horumarka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi waxa uu sidaa ku sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeys.
Waxaanu u dhignaa Warsaxafadeedkaasi sidan:
“Sida aynu wada ognahay, waxa loo ballansanaa Isniintii shalay oo ku beegnayd 10 February 2014,inuu qabsoomo Shirkii Dood Cilmiyeedka Xisbiyada Qaranka ee uu qabanayey Akaademiga Nabadda iyo Horumarka oo kaashanaya Dalladda SONSAF.
Haddaba, Akaademiga Nabadda iyo Horumarka iyo Dalladda SONSAF waxay ku wargelinayaan Bulshada iyo cid kasta oo danaynaysa, in shirkaasi baaqday.”.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com