|

Shirkii Dib U habeynta Garsoorka Loogu Magacdaray Oo Muqdisho Ka furmay iyo Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay

Muqdisho April 01 2013 (SDN)– Furitaanka shirka kadib hadalo ay jeediyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaantood rajo wanaagsan ka muujiyeen in shirka looga hadlayo garsoorka dalka ay kasoo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo horseed u noqda garsoor wanaagsan oo uu dalka yeesho.

Madasha shirka uu ka dhacay oo ah Hoteelka Jazeera ayaa waxaa ka muuqanaye aqoonyahano,ururada Bulshada rayidka,sharciyaqaano iyo Madaxweynaha Dowladda oo soo horfadhiye isaga oo ay ag fadhiyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda iyo Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka.Inkastoo maanta shirka uu ahaa kaliya mid furitaan ah hadalada masuuliyiinta ay halkaasi ka jeedinayeen ay aheyd mid ku aadan furitaanka shirka ayaa markii la gaaray khudbada Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu halkaasi ka jeediyay hadal uu aad ugu dheeraaday ka hadalka Garsoorka dalka.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hadii ay ku guuleesteen isu yeerida aqoonyahano katala bixiya Garsoorka dalka Dowladda inteeda badan uu culeyska ka dhacay sida uu yiri Madaxweynaha.Xasan Sheekh ayaa intaasi raaciyay in hadii waxyaabaha kasoo baxa shirkaan Dowladda Soomaaliya ay dhaqangelin weyso taasi ay tahay arin Dowladda ay ka gaabisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka uu yahay qof waliba oo muwaadin ah inuu sharciga udacwoon karo garta uu xaqa uleeyahayna uu helayo,hadafka Dowladda Soomaaliyana uu yahay ku dhaqanka sharciga dalka.

Inkastoo khudbada Madaxweynaha Soomaaliya ay aheyd mid aad udheer ayaa hadana wuxuu sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha in qof waliba oo dila qof la marsiiyo sharciga wuxuu qabo,waqtigaasna ay noqoneyso waqtiga ugu horeeyo ee dalka xasilooni uu gaaro.

Shirkaan looga hadlayo arimaha Garsoorka dalka ayaa wuxuu socon doonaa muddo shan cisho ah kadibna la filayo inay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan oo wax ka bedela sida uu yahay iminka Garsoorka dalka.

SDN-Muqdisho

Comments are closed