|

Shirkii Daallo oo siyaasiyiintiina banaanka laga dhigay loona xulay laba boqol iyo laba iyo toban Ergay oo ka soo jeeda Ardaayadda Habaryoonis

Ceerigaabo 02, July 2012 (SDN)- Shirka Daallo ee beesha Habaryoonis doraad uga bilaabmay Duleedka Ceerigaabo ayaa maanta la go’aamiyay inuu yahay mid Dhaqan oo aanay Siyaasiyiinta Beesha midkoodna ka qayb geli Karin.

Sidoo kale waxa la go’aamiyay laba boqol iyo laba iyo toban Ergay oo shirka si rasmi ah uga qayb geli doona, kuwaasoo labaatanka Tusmo ee Beelaha Habaryoonis laga xulay, dhexdoodana ka dooran doona Hogaanka shirka.

Shirka beesha ayaa la filayaa inuu berri si toos ah u gudagalo doorashada hogaanka shirka isla markaana la gudagalo Ajandaha ay keenaan.

Waxa Shirka markii hore ku yaacay siyaasiyiin xukuumaddihii hore ka soo qabtay Xilal Heer Wasiir ah iyo kuwo imika xilal haya, iyadoo Hogaamiyayaal Ururada Siyaasada ah qaarkood joogeen qaar kalena ku sii socdeen balse imika u muuqda kuwo iska soo guryo noqon doona ilaa inta shirku ka dhamaanayo.

Waaheen

Comments are closed