|

Shirkii Boosaaso oo ay Qaadaceen Odayaasha iyo Duqayda Gobolada Bari ee Punt Land

Garowe 10.Nov 2013 (SDN)- War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen Nabadoonada Gobolka Bari ayey ku sheegeen inaysan ka qayb qaadan doonin shir lagu sheegay Aayo ka talinta Gobolada Bari iyo Sanaag oo sida la qorsheeyey ka dhici doona Magaalada Boosaaso.

Cuqaashu waxay qoraalkooda ku cadeeyeen garowsiga in shirkaasi yahay bilowga tafaraaruq iyo Nabadgelyo xumo ka buuranta deegaanada Puntland oo ku caanbaxay degenaan iyo kala danbayn sidaa darteedna ay waajib tahay in aan laga qayb gelin.

Si wada jir ah waxay ugu baaqeen in aan lagu qaban magaalada Boosaaso shir lidi ku ah jiritaanka iyo xasiloonida Puntland iyagoo u soo jeediyey shacabku inaysan ka qayb gelin wax shaqo ahna ku yeelan.

Xukuumada xafiiska joogta ayey ugu baaqeen inay sii dardar geliso habsami u socodka qabashada doorashooyinka Madaxtooyada & tan Aqalka Wakiilada.

Maxaa keenay go’aanka Odayaasha.

Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) oo ah Gudoomiyaha dalada Nabadoonada Gobolka Bari ayaa sabab uga dhigay go’aankooda marxalada kala guurka ah ee maanta dalku ku jiro mar uu la hadlayey Garowe Online .

“Dalku wuxuu ku jiraa marxalad kala guur ah odayaasha dhaqankuna sidii caadada ahayd waxay ku mashquulsan yihiin soo xulida xubnihii Baarlamaanka kuwaas oo 8 Jan, 2014 dooran doona Madaxweyne sidaa darteed looma baahna in la doc faruuro sida sharcigu yahay” Ayuu yiri Nabadoon Xarago.

Wuxuu ku sii daray hadalkiisa “Anagu cuqaashii baanu nahay waxaanu bud dhig u nahay deganaanshaha iyo Nabadgelyada Puntland sidaa darteed kuma dhex milmi karno kuwa doonaya inay umada jaahwareeriyaan oo xasiloonida dalka dhaawacaan”

Suurtagalnimada in kooxaha amaan xumida ka wada dalka ay ka faa’iideystaan shirarka noocan oo kale ah ayuusan meesha ka saarin isagoo ugu baaqay dhamaan umada reer Puntland inay gacmaha is qabsadaan kana fogaadaan waxkasta oo abuuri kara qalalaase Amni iyo mid Siyaasadeed.

Siyaasiyiinta ka rajo qaba inay ku soo biiraan masraxa siyaasada ayuu kula taliyey inay isku kalsoonaadaan isla markaana aadaan Aqalka Baarlamaanka umadana u soo bandhigaan qorshahooda Waxqabad intii ay isku mashquulin lahaayeen qabashada shirar aan macno badani ku jirin.
Akhri Bayaanka cuqaasha Gobolka Bari.

BAYAAN1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

BAYAAN2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed