Shirkaddii Ku Guuleystay Diiwaan Gelinta Codbixiyeyaasha oo Qandaraaskii Lagala Noqday,Caqabada ay doorashada ku Keenayso Iyo Interpeace Oo Qoraal Ka Soo Saartay
Nairobi 07.March 2015 (SDN/QJ)- Shirkad lagu magacaabo Creative oo qandaraas lagu siiyey in ay Somaliland ka hir geliso Diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, ayaa la sheegay in gebi ahaanba la laalay qandaraaskaasi hore loo siiyey, ka dib markii mada madow ka soo baxay qaabka ay ugu tartantay Qandaraaskaasi.
Hay’adda Interpeace ee Somaliland ka caawisa doorashooyinka, ayaa sheegtay in ay shirkadda Creative kala noqotay Qandaraaskii ay ku siisay Adeegga Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland, kadib markii ay shirkadda ESI (Electrol Service International) ay ku eedaysay in Qandaraaska ay ku heshay Dano hoose oo sharci darro ah.
Agaasime kuxigeenka Hawl socodsiinta ee Hay’adda Interpeace Jerry McCann, ayaa Qoraal oo saaray horaantii bishan, waxa uu lagu sheegay in laga noqday ama la tirtiray Qandaraaskii shirkadda Creative lagu siiyey Adeega Diiwaangelinta.
Qoraalka ay Interpeace soo saartay waxa lagu yidhi “Markii aanu la tashanay guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera Diiwaan-gelinta Interpeace waxay burisay Qandaraaskaas la siiyey Shirkadda Creative.” Ayaa lagu yidhi Qoraalkan Interpeace.
Talaabadan ay Interpeace ka qaadatay qandaraaskii Shirkadda Creative, ayaa la rumaysan yahay in ay ka dambeysay kadib markii shirkadda ESI oo ah Shirkadda ka shaqeysa arrimaha Doorashooyinka, ay dacwad ka gudbisay qaabka qandaraaska loo bixiyey, hase yeeshee markii Dacwadaasi gaadhay waxay soo saartay qoraal ay ku ayidayso qandaraaskan ay baabi’isay oo ay ku sheegtay in uu si cadaalada ah oo dhibco wanaagsan ah ku heshay Tartanka.
ESI waxay ku eedaysay Creative in ay iyadu samaysay qiimaynta Qalabka loo baahan yahay maadaama ay mashruucaas qaadatayna aanay xaq u lahayn inay Tartanka lagu bixinayo wixii ay qiimaysay ka qayb qaadato, taasoo markii ay Interpeace ka dhago adaygtay eeddaha loo soo jeediyey ay ESI rafcaan uga qaadatay Qaadhaan-bixiyayaasha, doodaas ay aakhirkii ku Guulaysatay inay NEC, Interpeace iyo Qaadhaan-bixiyayaashuba garawsadaan eedda loo soo jeediyey.
Qoraalka Interpeace soo saartay oo la Ogeysiiyey shirkaddihii Tartanka ka qayb galay Ayaan lagu sheegin wakhtiga danbe ee Qanadaraaskaas la shaacin doono in lagu Tartami doono mar kale, maadaama kii hore buray, sidoo kale waxaan kalsooni lagu qabi karin sidii loo aamini lahaa mar kale Tartankaasi.
Si kastaba ha ahaatee, talabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland ka sugayaan Komishanka Doorashooyinka in ay soo saaraan Jadwelka doorashada, iyada oo la filayo in ay arrintan saamayn ku keento habsami u socodka doorashooyinka
Nairobi SDN/QJ