Shirkadda Telesom oo Abaal-marino kala duwan ku maamuustay qaar ka mid ah Shaqaalaheeda
Hargeysa 16, March 2012 (Qurbejoog.com)- Shirkadda ugu wayn dhinaca Isgaadhsiinta gobolka Geeska Afrika ee Telesom, ayaa abaal-marino kala duwan ku maamuustay qaar ka mid ah hawlwadeenadeeda.
Shirkadda Isgaadhsiinta eeTelesom waxay xalay xaflad si heer sar ah loo soo agaasimay u qabtay shaqaalaheedii loo aqoonsaday inay ugu wanaagsanaayeen sanadkii 2011, kuwaasoo lagu abaal mariyay abaal-marino maaliyadeed, iyadoo munaasibado la mid ah lagu qabtay dhamaanba lixda gobol ee Somaliland.
Munaasibadda xalay lagu qabtay Hargeysa, waxa ka qaybgalay wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirk Qorshaynta qaranka iyo horumarinta Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil Cabdilaahi, Wasiirka cusub ee Warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale, xildhibaano, masuuliyiinta sarsare ee Shirkadda Telesom, shaqaalaha Shirkadda, saamileyda qaarkood iyo martisharaf kale.
Sheekh Yuusuf Aaden oo ka mida culimada reer Somaliland oo ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay, ayaa amaan balaadhan u jeediyey shirkadda Telesom, waxaanu sheegay inay Shirkadda Telesom tahay Shirkad dadka iyo dalkaba wax badan u qabtay. “Shirkadda Telesom waxay dalka iyo dadka u qabtay waa la ogaa, inkasta oo ay shaqaalaha wanaajiyaan haddana waxaan leeyahay shaqaalaha u kordhiya mushaharka oo ogaadaa waayo kuwo xaasas leh baa ku jira, Shaqaalahana waxaan odhan lahaa inaad ogaataan in wakhtigiinii laydinka iibsaday waana inaad Illaahay dartii ugu shaqaysaan shirkadda, maadaama ay shirkaddu idin aamintay,” ayuu yidhi.
Madaxa Shaqaalaha shirkadda Telesom Mr. Cabdiqaadir Sahal oo isna halkaa ka hadlay, waxa ka waramay dedaalka Shaqaalaha iyo sida hufan ee ay maanta shirkaddu u guranayso midhihii ay soo dhaliyeen. Waxa uu sheegay in shirkad ahaan ay shaqaalaha ku soo xushaan kartidooda, aqoontooda, dedaalkooda iyo akhlaaqdooda. “Runtii shaqaalaha shirkaddu waxay muujiyeen aqoon, karti iyo amaano. Albaabada shirkadda Telesom cid walba way u furan yihiin oo waxaanu nidhaahnaa yaanay cidina ku qadin Telesom. Qofka aanu doonayno inuu shirkadda Telesom ka mid noqdo waxaanu eegna kartidiisa, aqoontiisa, akhlaaqdiisa iyo hab-dhaqankiisa, ugu yaraaa lix qof oo xafiiskayaga ah ayuu qofkaasi soo hor fadhiistaa, xitaa haddii uu qofkaasi imtixaanka ku soo baxo, dabogal baanu ku samaynaa, si aanu u ogaano habka uu ula dhaqmo bulshada dhexdeeda,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Dhanka kale anagu waxaanu xidhiidh la leenahay jaamacaddaha dalka, waxaananu kala shaqaynaa sidii aanu shaqo ugu abuuri lahayn dhalinyarada ka soo baxday jaamacaddaha dalka.”
Waxa uu ka hadlay ujeedada ay la leeyihiin abaalmarinta ay shirkad ahaan shaqaalaha siiyaan sannad kasta, waxaanu yidhi; “Waxaan ku faraxsanahay shaqaalaha ugu badan ee aad arkaysaan inay yihiin kuwii ka yimi goballada kale ee aan Hargeysa ahayn. Waxaanu abaal-marino shahaadooyin ah iyo kuwo maaliyadeedba halkan ku gudoonsiin doonaa shaqaalihii ugu sareeyey qiimayntii aanu samaynay.” Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ujeedada ay abaalmarintan u siiyaan inay tahay sidii ay shaqaalahooda dhiirigelin ugu samayn lahaayeen.
Madaxa shaqaalaha ee shirkadda Telesom waxa uu intaa ku daray inay darajooyin kala leeyihiin shaqaalaha abaal-marinnada kala duwan la siiyey. “Kuwa gobolka Hargeysa waa 16 kuwa gobolada kale ka yimidna waa 19. Shaqaalaha Hargeysa waxaan leeyahay waxaad Sabtida abaal-marintiina ka eegan doontaan Accounnada aad ku leedihiin Salaama Bank,” ayuu yidhi Mr. Sahal.
Guddoomiye kuxigeenka shirkadda Telesom Maxamuud Xaaji Aaden (Xadeed) oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu sheegay in had iyo jeer ku dedaalaan inay hoos u eegaan shaqaalaha shirkadda oo ah laf-dhabarta iyo tiirarka ay shirkaddu ku taagan tahay. “Maamulka iyo guddiga shirkadda Telesom waxay ku dedaalaan inay shaqaaluhu helaan xaqooda, sababta aanu sidaa ugu yeelaynaa shaqaalaha waxay tahay inay dareemaan caddaalad, qofku waa inuu dareemaa inuu si cadaalad ah ku yimi, balse aanu qabiil iyo eexasho kale toona ku iman. Anagu ka shirkad ahaan waxaanu leenahay laba shaqaale oo midi waa dadweynaha, midka kale oo mihiimada ugu weyn noo lihina waa shaqaalahayaga. Waxaanu munaasibaddan ugu talogalay in Shirkadda Telesom tahay mid dhexdhexaad ah oo caddaalad ah,” ayuu yidhi guddoomiye kuxigeenka TELESOM.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan oo isna munaasibaddaa ka hadlay, waxa uu amaanay doorka shirkadda Telesom kaga jirto horumarka dalka, wuxuuna tilmaamay in shaqaaluhu yihiin kuwa laf-dhabarta u ah hormarka Somaliland, xukuumad ahaana ay dhiirigalinayaan. “Telesom waa horyaalka shirkadaha Isgaadhsiinta, dalkana iyagaa maanta halkaa uu marayo soo gaadhsiiyay, sababtoo ah Soomaalidu waxay tidhaadaa ‘ninka uu Illaahay xoolo la damcay waxa uu siiyaa dadkeeda,’ waxaanan amaan balaadhan u soo jeedinaya shaqaalaha Telesom oo runtii karti iyo dedaal muujiyey. Waxa kale oo aan ku faraxsanahay shaqaalahan Telesom ee caawa (xalay) halkan lagu abaalmarinayo shaqadii wacnayd ee ay ku mutaysteen. Waxaan iyana u hambalyaynayaa aniga oo aad iyo aad ugu han weyn Maamulka shirkadda ee gartay inay shaqaalahooda abaal-marin siiyaan,” ayuu yidhi wasiir Xirsi.
Ugu dambayn, wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo munaasibadaas ka hadlay, waxa uu sheegay inay shirkadda Telesom ay tahay shirkad horumarka dalka qayb weyn kaga jirta. “Shirkadda Telesom, waa shirkad qayb weyn kaga jirta horumarka dalka, maxaa yeelay cashuuraha si wanaagsan ayay u bixisa, sanadkii ugu dambeeyayna way iska bixisay Cashuurtii. Dalka qayb weyn ayay kaga jirtaa, waxaanan ku aamaanayaa uguna mahadnaqaya dhiirigalintaas balaadhan ee ay shaqaalaha u shaqeeya ay u sameeynayso, waxaana ugu baaqaya oo aan ku boorinay inay dadaalka halkaas ka sii wado,” ayuu yidhi wasiirku. Wuxuuna goobtaas shaqaalaha la maamuusay uu ku gudoonsiiyay abaalmarinaha kala duwan ee shirkadda Telesom siisay.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com