|

Shirkadda Samaysa Boodhadhka Casriga ah ee SAGAL JET oo Xarun Cusub Ka Furatay Gobolka Togdheer

Hargeysa Mar 23,2013 (SDN) Shirkadda Daabacaadda,Boodhadhka iyo Xayaysiinta casriga ah ee SAGAL JET ayaa markii ugu horaysay Xafiis ka Furatay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, Shirkadan oo ah ta ugu wayn dalka ee dhinaca xayaysiinta ayaa waxa maalintii khamiistii xafladda xadhiga lagaga jarayey xanunta cusub ee ay ku yeelanayso magaalada Burco lagu qabtay Huteel Deero ee Magaalada Burco.

Xafladdan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxa ka soo qaybgalay Maamulka Guud ee shirkadda SAGAL JET, madaxda Gobolka,Ta degmada,Ganacsatada,shirkadaha waawayn eek a hawl gala Gobolkaas, Salaaddiin iyo dadwayne tiro badan, waxana ay shacabka Reer Togdheer muujiyeen sida ay ugu baahan yihiin adeegyada casriga ah ee ay shirkadda SAGAL JET ku soo kordhisay magaaladaas.

Ugu Horayn waxa halkaas Ka hadlay Maamulka Guud ee shirkadda SAGAJ JET Cabdi Yuusuf Aar isagoo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha shirkaddu samayso iyo adeegyada ay ugu talo galeen shacabka reer Togdheer, waxana uu yidhi” shirkadda SAGAL JET waa shirkad daabacadeed,waxa ay daabacdaa Xayaysiinta,Boodadhka iyo Buugaagta,annagu SAGAL JET ahaan waxaanu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee daabacaadda casriga a ee dhijitalka ah ka hirgalisa wadanka ,Burco ama Gobolka Togdheer waxaanu wax uga soo daabici jiray Magaalada Hargaysa,waxa markii hore dhibaato ka haysatay Gobolada bariga oo dhan gaadhi baa la soo saari jiray haddii uu doono gaadhigaasi wuu iskala maqnaanjiray

Baahidaas awgeed ayaa keentay inaanu keenno madbacadbii wax lagu daabacayay,oo hadda saacaddan laga bilaabo ay dhacayso haddii aad iminka wax ka dalbato saacad ka dib in lagu siinayo,waxaanan jecelaay oo ballan qaadaynaa inaanu ka qayb qaadano horumarka Gobolka iyo dalkaba,waxan leeyahay dadwaynaha reer Burco iyo Gobolada kale ee sanaag,sool iyo Buhoodle idinkuna waa ina aad ka faa,iidaysataan fursadda, waayo meeshiinii baanu idiinku keenay,waxana halkan noo jooga wakiilkayagii hore oo ahaa nin muhiim ah ee maxamed Daahir ayaa iminkana masuul ka ah,dinaca kalena waxa kale oo aykeenaysa shaqo abuur,haddii shan qof ka shaqo galaan, waxaa kale oo waxyaabaha shirkadu qabato aanu ku soo kordhinay daabacaada Buugaagta abwaanno badan baana halkan inala jooga oo markii hore Buugaagta waxaa lagu soo daabici jiray dibadaha. Buugayagii ugu horeeyay waxa uu ahaa Buugii Ibraahin Gadhle” ayuu hadalkiisii kaga baxay maareeyaha shirkada SAGAL JET Cabdi Yuusuf Aar.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji) oo halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa”aad baan ugu faraxsanahay in gobolkaygii ay shirkadan SAGAL JET xafiis ka furato waxaanay kusoo kordhisay horumar,waxaanan dadwaynaha reer Burco guud ahaan Gobolkaba aan u soo jeedinayaa inay shirkaddan si wanaagsan uga daabcdaan maadaama halkan laydiinka furay. waxaan ugu danbayn shirkada kula dardaarmayaa inay ka feejignaadaan wixii dhaqankeena suuban iyo diinteena wax u dhimayana aanay daabicin.” ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer.

Ugu danbayna waxaa halkaas si isku mid ah shirkada SAGAL JET usoo dhaweeyay xafiiskeeda ay magaalada Burco ka furatay’ dadkii danaynayay shirkada SAGAL JET Isla markaana xidhiidhka la lahaa Kuwaas oo ay ka mid ahayeen,Wakiilada Xisbiyada qaranka,shirkadaha isgaadhsiinta Somtel,Telesom,kuwa laydhka Beder,kaah,Abwaano iyo,waxaanay dhamaantood sheegeen inay ku faraxsan yihiin in magaalada Burco looga Furay shirkaddan oo ay markii hore daabacaadda ay ugu doonan jireen Magaalada Hargaysa. Si kastaba ha ahaatee shirkadan SAGAL JET ayaa markii hore waxa daabacaadeeda loo qabanjiray Magaalada hargaysa,waxaan iminka furashada xafiiskeedan magaalada Burco uu wax wayn ka taridoonaa baahiyaad fara Badan oo dhamaan Gobolada bari ee dalka ay markii hore hargaysa wax looga soo daabici jiray.

Xigasho Ogaal

SDN-Burco

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed