Shirkada Telesom iyo Dadweyne Gadoodsan oo Magaalada Wajaale isku Galay iyo Xaalad Bandoo ah oo lagu soo rogay
Tog Wajaale 16.March 2014 (SDN)- Magaaladda Wajaale ayay saaka ciidanka RRU iyo SPU-du ku soo rogeen bandoo kadib markii rabshado waaweyni dhex mareen Dadweyne gadoodsan iyo shirkadda Telesom, rabshadahaas oo ka dhashay laba nin oo Laydh shirkadda Telesom leedahay ku dhigay, kuwaas oo midkoodna dhintay ka kalena dhaawac halis ah soo gaadhay.
Dhacdada labada nin oo shalay ka dhacday magaaladda Wajaale ayaa khilaaf xoogani ku dhex maray gaadhi isku-rogo ah oo waayirada Laydhka Jiidhay, Shirkadda Telesom iyo Qoysaskii ay ka soo jeedeen labada nine e Laydhku ku dhagay.
Shirkadda Telesom ayaa ku doodaysa Laydhka in ay isku-rogadu jiidhay sababta dhimashadana iyadu masuul ka tahay, halka qoysaskii labada nin ka soo jeedeen ay ku doodayaan in meel la saaro masuuliyadda cida loo raacayo kiiskan.
Rabshado waaweyn oo illaa xalay lala beegsanayey xarunta shirkadda Telesom ayaa sababay in ciidamo farabadan laga kaxeeyo hargeysa kuwaas oo Bandoo galiyey magaaladda wajaale oo dhamaanteed albaabada loo laabay.
Ganacsatada Magaaladaasi ayaa Warfidiyeenada u sheegay in xaalada magaaladdu ay kacsan tahay isla markaana dhaqdhaqaaqii la hakiyey iyagoo intaas ku daray in dadweyne ka gadoodsan Labada nine e Laydhku ku dhagay ay taayiro ku gubeen jidadka isla markaana rasaas iyo shiid ay is weydaarsanayaan Booliiska.
Khilaafka u dhexeeya Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Ehelada labadan nin ee Midi Geeriyooday ka kalena Dhaawacmay ayaa Murankoodu ilaa Haatan ka Taagan yahay Magaalada Wajaale.
Tog Wajaale SDN.
Qurbejoog.com