|

Shirkada Laydhka ee Kaah oo Iclaamisay inay Xadhkaheeda dabka ee Caasimada ay dhulka hoostiisa marinayso

Hargaysa 10.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha j s l cali maxamed warancade oo ay weheliyaan Taliayaha Ciidamada Booliiska j s l sareeye guuto Cabdilaahi fadal iimaan , Maayirka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo masuuliyiinta shirkadda korantada ee Kaah ayaa si wada jir ah shir ajaraa id oo ay ugu qabteen xarunta wasaarada arimaha gudaha waxay ku sheegeen in shirkada laydhka ee kaah ay xadhkeeda korantada in ay dhulka hoostiisa marinayso.

kaahUgu waxa shirkaa jaraa id ka hadlay maayirka caasimada cabdiraxmaan maxamuud caydiid ayaa ugu mahad celiyay mulkiilayaasha shirkada kaah go aanka ay ku gaadheen in xadhkaha dabka qaada in ay mariyaan dhulka hoostiisa , talaabadaas oo wax wayn ka tari doonta dadaalka loogu jiro kor uqaadida bilicda caasimada oo ay ka wada shaqaynayaan wasaarada arimaha gudaha iyo dawlada hoose ee hargaysa. Waxaanu intaa ku daray maayirku in uu ku wargalinayo shirkadaha kale ee korantada in  xiligii loo qabtay ee kama danbaysta ahaa uu gabaabsi yahay sidaa darteed uu ku boorinayo in inta aanu dhamaan waxkhtiga loo qabtay in ay  xadhkahooda dhulka hoostiisa mariyaan.

Waxa isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha shirkada kaah xasan bulbul kaas oo sheegay in ay go aankaasi ku qaateen ka dib markii wasaarada arimaha guduhu ay ugu baaqday shirkadaha kornatada in ay dhulka mariyaan xadhkooda dabka iyadoo laga duulayo  ilaalinta iyo kor u qaadida bilicda caasimada, waxaanu intaa ku daray in shirkada kaah oo ka kooban 17 shirkadood oo midboobay  islamrkaa loo baahan yahay in wax kastoo la qabanayo loo midoobo si guul loo gaadho

Wasiirka arimaha gudaha md cali maxamed warancade oo halkaasi ka hadlay  ayaa sheegay in uu shirkada kaah ku amaanyo talaabada ay qaaaday eek u wajahan fulinta amarkii kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha ,waxaaanu intaa raaciyay in xadhkaha dabka ee guryaha dushooda la mariyaa in ay dhibaato joogto ah ay ku hayaan bulshada taas oo mararka qaar keenta khasaare dhimasho oo soo gaadha bulshada , waxaanu wasiirku ugu baaqay shirkadaha korantada ee ka shaqeeya gobolada iyo dagmooyinka dalka in ay kaalintooda ka qaataan talaabada lagu badalyo  xadhka korantada ee la mariyo gurayaha dushooda taasoo shirkadii ugu horaysay ay maanta dhulka hoostiisa marinayso waxaanu usoo jeediyay guud shirkadaha in ay xiliga loo qabtay dhameeyaan hawshaasi.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed