|

Shirkada Isgaarsiinta ee Telesom oo soo bandhigtay Nidaam Qurbejoogu Adeegsan karaan looga Marmayo Xawaaladaha Gabalkoodu sii Dhacayo

London July 10,2013(SDN)-Shirkada Caalemiga ah ee Telesom ayaa heshiis la gashay shirkadaha eServGlobal iyo BICS waxa ay u saamaxeysaa macaamiishooda Somaliland in ay masaariifta ka helaan eheladooda ku nool dalka Dibediisa.

eServGlobal iyo BICS ayaa haatan adeegoodan waxa isticmaala in ka badan 300 oo million oo ruux oo ku nool qaarada Africa.

Telesom ayaa macaamiishoodu ilaa 2009kii waxa ay isticmaalayeen adeega ZAAD oo u saamaxaya in ay lacagaha isugu diraan dalka Gudihiisa.

Heshiiskan ayaa ah mid balaarinaya adeegaasi oo Qurbejooga ka welwelsan xiritaanka Xawaaldaha siinaya fursad dahabi ah oo ay qosaskooda ku biilaan.

“Ku dhawaaqida adeegan Homesend waxa uu hoosta ka xariiqayaa sida ay nooga goantahay in aanu gaaro bulshooyinka aan macmiilka la laheyn Baananka”sidaa waxa yiri madaxa shirkada eServGlobal Paolo Monstessori.

Heshiiskan dhexmaray Shirkada Isgaarsiinta Telesom iyo eServGlobal iyo BICS ee lagu soo bandhigay adeegan HomeSend ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Baankii u danbeeyay ee la macaamili jiray Xawaaladaha Soomaalida uu shaaciyay in uu joojinayo qabashada lacagaha Xawaaladaha.

Adeegan HomeSend ee Telesom haatan hirgelisayna waxa uu niyada u qaboojinayaa qoysaskii ku tiirsanaa adeegyada Xawaaladaha ee walaac ka qabay sida ay masaariiftu u soo gaari lahaeyd.

Adeegan ayaa si buuxda dhawaan loogu soo bandhigi doonaa Somaliland iyo degaanada kale ee ZAAD iminkaba laga isticmaalo.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed