Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo ka hadashay numberada cusub ee lagu soo kordhiyay telefoonadeeda Moobilada
Hargaysa May, 09 2013 (SDN)- Shirkadda Isgaadhsiinta gobolka Geeska Afrika ugu wayn ee Telesom, ayaa faahfaahin ka bixisay numbero cusub oo lagu kordhiyay telefoonadeeda Moobilada, taasoo ay Arbacaddii shalay shirkaddu hirgelisay.
Qoraal uu soosaaray xafiiska Suuq-geynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee Telesom, waxay shirkaddu ku ku caddaysay in qorshahan wax-ka-bedelka lagu sameeyay khaanadaha [digits] nambarada telefoonada gacanta ee macaamiisha shirkaddu uu yahay mid ay ogolaasho uga heleen Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, isla markaana uu waafaqsan yahay xeerarka maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dhinaca Isgaadhsiinta.
Qorshahan oo dadweynuhu ku jahawareereen marka ay telefoonadooda gacanta isticmaalayaan, waxay shirkaddu ku sheegtay inuu yahay mid geedi-socodkiisu in muddo ah soo socday, wuxuuna qoraalka ay Telesom soosaaray uu u dhignaa sidan; “Shirkadda Telesom oo la aasaasay sannadkii 2002, waa shirkad saamilay ah oo ay ku wax ku leeyihiin kun iyo dhowr boqol oo qof oo muwaadiniin Somaliland ah.
Shirkaddu muddadii ay jirtay waxa ay samaysay dedaalo badan oo keenay in ay isbeddesho nolosha bulshada, iyada oo keentay adeegyo teknoolajiyadadeed oo wax weyn ka beddelay kaabayaasha dhaqaalaha waddanka, nabadgelyada, horumarinta, tacliinta, caafimaadka, isku xidhka bulshada miyiga iyo magaalada iyo guud ahaan isku xidhka wadanka iyo caalamka.
Muddadii Telesom jirtay waxa ay soo kordhisay qalab casri ah, si ay u daboosho baahida macaamiisheeda iyo wadankaba; taasi oo keentay in sannadkii 2006 la ballaadhiyo furayaashii shirkaddu isticmaali jirtay oo lagu kordhiyay lambarka ‘4’ kana dhigtay toddoba god, halkii ay ka ahaayeen lix god.
Qalab kasta oo shirkaddu ay keento iyo ballaadhinta shabakada shirkaddu waxay u baahan yihiin furayaal cusub oo noqonaya halbeegga ama ciwaan uu qalabkaasi ku shaqeynayo si uu ula jaanqaado nidaamka Caalamiga ah (International Telecommunication Union Recommendations).
Si waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee ITU-ga, labadii sannadood ee u dambeeyay waxa qorshaha furayaashooda wax ku kordhiyay 11 wadan oo kala ah Mauritania, Swaziland, Sychelles, Georgia, Azerbaijan, Togo, Sint Maarten, South Sudan, Djibouti, Gabon, Sacuudi Carabiya. Telesom Somaliland waxay ka mid noqonaysaa kuwaasi.
Dhammaan isbeddelada ay shirkadda Telesom samaysay waa kuwo waafaqsan xeerarka Somaliland iyo oggolaanshaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, iyada oo sidoo kale, si dhow ula shaqeynaysa shirkadaha telefoonada Caalamiga ah ee wadamada adduunka ee ka tirsan ururka Caalamiga ah ee Shirkadaha Moobilada ee GSMA.
Isbeddelkan u dambeeyay waxay shirkaddu si toos ah oggolaansho uga heshay Wasaaradda Boosaha & Isgaadhsiinta Somaliland.
Iyada oo ay weli jirto in dhammaan Shirkadaha ka hawlgala Somaliland iyo Soomaaliya ay weli isticmaalaan furihii +252 ee guud, baadhitaan badan kadib iyo xidhiidh aanu la sameynay shirkadaha waaweyn ee telefoonada soo tebiya (carriers) waxa noo caddaatay in dhammaan furayaashii ka dambeeyay +252 la isticmaalay oo ay diwaagashadeen shirkadaha Isgaadhsiintu. Sidaas darteed, furaha keliya ee moobilka Telesom u bannanaaday waxa uu noqday 63.”
Qurbejoog.com, Hargeysa