Shirkada Gawaarida sameysa ee GM oo Gawaaaaridii ugu badnaa ebid dib ula noqoneys,maxey tahay sababtu?
Washington April 02,2014(SDN)-Shirkada GM ee sameysa gawaarida Mareykanka ugu badan ayaa mudo dheer ka dib qiratay in ay jirto cilad ku timi qaar ka mida gawaari ay toban sano ka hor sameysay.
Gawaaridan oo kala ah Chevrolet Cobalt iyo Saturn Ion ayaa cilad ka soo wejahday halka gawaarida laga shido ama self-ka.
Ciladan oo la ogaa mudo toban sanadood ah ayaa waxa u dhintay 10 ruux ka dib kolkii gaawaarida oo xoog ku socda ay mar qura bakhtiyeen.
Shirkada GM haatan qiratay in ciladani jirto ayaa wershedeheeda dib ugu celinaya ilaa2.6 million oo gaari.
Gawaaridan Chevrolet Cobalt iyo Saturn Ion oo aan haatan la soo saarin ayaa dayactirkoodu ay ku keceysaa 57 cent midkiiba.
Waxa aad uga carooday habdhaqanka shirkada GM Eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen ama ay shialka uga dhaawacmeen tobankii sanadood ee dafiraadu socotay.
SDN-Washington