Shirkada Diyaaradaha ee Itoobia oo 1 September oo Bilaabaysa Duulimaadyadii Madaarka Hargaysa
Hargaysa 28.Aug 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mudane Axmed Dalal Faarax ayaa caawa shaaca ka qaaday in Shirkada diyaaradaha ee Itoobiya Airline ay si toos ah uga bilaabi doonto madaarka Cigaal International duulimaadyadii ay ku iman jirtay Caasimada hargaysa 1 bisha September ee inagu soo foolka leh.
Agaasimaha Guud oo ayaa isagoo ku sugan Magaalada Burco Waxa uu Xusay in Xidhiidh ay caawa la soo sameeyeen Madaxda Sare ee Shirkada Itoobia Airline ee Xaruntooda Magaalada Addis ababa ay u xaqiijiyeen inay si toos ah diyaaradoodu u bilaabi doonto 1 bisha September duulimaadyadii ay ku iman jirtay madaarka caalamiga ah ee cigaal international Airport ee Magaalada Hargaysa waxaa uu agaasimaha guud sheegay in 19 bishan ay Shirkada Itoobiya Airline u soo dirtay Garoonka diyaaradaha ee hargaysa Gudi farsamo oo qiimayn ku samaynayay dib u dhiskii iyo balaadhintii lagu sameeyay dhabaha diyaaraduhu ka haadaan waxaanay Gudidaasi cadaysay in diyaaradahooda waaweyn isticimaali karaan madaarka hargaysa .
Agaasimaha Guud ee Wasaarada duulista iyo Hawada Axmed Dalal Faarax waxa uu intaas ku daray inay horena Shirkada East africa Airline ay Horeba diyaaradaheedu u bilaabeen duulimaadyadii ay ku imanayeen Garoonka Magaalada hargaysa kadib markii hawl dib u casriyayn ah lagu sameeyay.
Hargaysa SDN.
Hargaysa SDN.