Shirkada Dahabshiil oo dafirtay in ay iibsatay Telecom
London June 24,2012(SDN)-Shirkada Xawaalada caanka ku ah ee Dahabshiil ayaa war ay soo saartay ku beenisay xog tibaaxeysa in ay iibsatay shirkada isgaarsiinta ee Telecom.
Warkan ay Dahabshiil baahiyeen oo nuqul ka mid ahi uu na soo gaadhay ayaa u qoraa sidan;
Warsaxafadeed ka soo baxay shirkadaha Dahabshiil maanta ayaa si rasmi ah u caddeeyay in warka saxaafada qaar ku soo baxay ee ah in shirkada Dahabshiil iibsatay shirkada Telecom aanu run ahayn oo yahay ku-tiri-ku-teen, mala-awaal ah oo xaqiiqada ka fog.
War-saxaafadeedka Shirkadda, oo ka soo baxay Xarunta Shirkaddu ku leedahay magaalada Hargeysa, waxa uu u dhignaa sidatan:
“Waxa beryahan dambe warbaahinta kala duwan ee Soomaalida ku soo baxayey warar kala duwan oo sheegayey in Shirkadda Dahabshiil la wareegtay mulkiga iyo maamulka shirkadda Isgaadhsiinta ee TELCOM, shaqaalaheediina kala dirtay.
“Haddaba, waxa shirkadaha Dahabshiil Group si rasmi ah u caddaynayaan in uu warkaasi yahay ku-tiri-ku-teen, mala-awaal ah oo xaqiiqada ka fog. Shirkadaha Dahabshiil Group waxba kalama socdaan, wax lug ahna kuma laha arrimaha u gaarka ah Shirkadda TELCOM.
“Waxa Shirkaddda Dahabshiil bulshadu ku baratay, kuna tixgelisaa, adeeg hufan, ammaano iyo u-dhego-nuglaanta arrimaha la xidhiidha daryeelka bulshada.
“Sidaa darteed, shirkadda Dahabshiil waxay u taagan tahay daryeelka iyo u-adeegidda bulshada goor kasta iyo goob walba iyada oo aaminsan in bulshadu horumar ku gaadhi karto dhiirrigelinta fursadaha shaqada iyo kobcinta dhaqaalaha.”
Hassan M Jama “Heiss”
Public Relations & Media
Dahabshiil Operations Center
Tel. +47 6705 9884 (Office); +252 7 9100001
Alternative eMails: hassanheiss@gmail.com; hassanheiss@hotmail.com
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com