|

Shirkada Al Xayaat oo deeq Qalab Isboorti ah Gudoonsiisay Xulka Gobolka Maroodi jeex

Hargaysa 10,Jan (SDN)

Munaasibad ballaadhan oo  qalab ciyaareed lagu guddoonsiinayay  xulka ciyaartoyda ee gobolka  maroodi jeex oo ay soo qaban qabisay shirkada Al Xayaat furniture ayaa Maanta lagu qabtay Caasimada Hargaysa.

Munaasibadaas waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada  & Ciyaahaa Mustafe Cabdi Qodax ,Gudoomiyaha Gobolka Maroodi  jeex Axmed Cumar  Xaji Cabdlaahi Xamarji  iyo mulkiilaha shirkadda Alxayaat Furniture.

Mulkiilaha Al Xayaat Furniture Maxamed Saleebaan Faarax   ayaa ku dheeraaday muhiimada ay u leedahay munaasibadan maanta ee uu  ku wareejinayeen qalabka Ciyaareed,waxaanuu sheegay inay u doorteen xulka gobolka maroodi jeex guushii ay ka soo hooyeen ciyaarihii gobolada ee sanadkii hore lagu qabtay  gobolka togdheer  gaar ahaan xaruntiisa Magaalada  Burco, waxa uu Mulkiilahani intaas ku daray inuu gobolada kalena uu siin doono Deeq tan la mid ah .

Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha wuxuu u ahad celiyay mulkiilaha Alxayaat Furniture oo sheegay inay tahay shirkadda kaliya ee ilaa hadda caawisay xulka ciyaartoyda gobolkan maroodi jeex, waxaanuu sheegay inuu isagu yahay agaamihii guud ee ciyaaraha  isla markaana uu dhex u yahay gobolada  dalka oo dhan.

Badhasaabka gobolka maroodi jeex  Axmed  Xamarji oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay shirkada Alxayaat Furniture,Waxaanu ku tilmaamay in Mas’uul ahaan u u hawl gali doono sidii uu u soo dhamaystiri lahaa agabka ay u baahan yihiin Xulka Gobolka Maroodi jeex,waxaanu ku dhiirigeliyay dhalinyarada u safan Gobolka in looga baahan yahay dadaal ka badan kii hore oo ay Muujiyaan.

Ugu dambayntiina waxaa guddoomiyaha gobolka maroodi jeex uula wareegay qalabkii isboorti ee ay shirkadda Alxayaat Furniture ugu talo gashay xulka ciyaaraha ee gobolka maroodi jeex.

Deeqdan ayaa noqonaysa mid dhiirigelisa da’a yarta ku hawlan Mihnada Ciyaaraha ee ka qayb qaadanaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka ee loo asteeyay in Shan iyo Tobanka Bishan uu ka furmo Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa Studium.

Hargaysa SDN

Comments are closed