|

Shirka Washington ee loo qabanayo Somaliya, iyo Waftigii Soomaliland oo halkaas gadhay

Washington April 23,2013(SDN)-Sida lagu qoray Wargeyska The Guardian ee London ka soo baxa, waxa maalinta Jimcaha, 26 April, 2013, magaalada Washington ee caasimadda USA ka bilaabmaaya shir balaadhan oo si wayn loogu eegaayo gargaarka wadamada Nugul ama Dagaaladu aafeeyeen (Fragile and conflict affected countries), oo  Soomaaliya ay ka mid tahay.
Sida uu qoraayo Mark Tran oo wargeyskaas ka tirsan, maalinta labaad ee shirkaas, oo ah Sabtida, 27 April, waxa dhacaaya shir Soomaaliya gaar ugu saabsan oo ay wada gudoominayaan Bangiga Aduunka iyo Waaxda Caawimadda Debedda ee Ingiriiska, (DFID).
Shirkaas Sabtida ee Washignton, iyo midka 7 May, 2013 London ka bilaabmaaya, ee inta aynu ilaa haatan ka ognahay, Somaliland ay diiday, xidhiidh toos ah baa ka dhexeeya.
Shirkaas Sabtida ee Washignton wuxu si mug leh u falanqayn doonaa hab lagu maamuli doono dhaqaalaha Soomaaliya la galinaayo, oo loogu yeedhay Public Financial Management (PFM), oo kadibna, laga ansixin doono shirka London ee May 2013.
Sidoo kale, bisha September ee isla sanadkan, waxa magaalada Brussels ee Xarunta Midawga Yurub lagu qaban doonaa shir caalami ah oo lagu hir-galinaayo hab-maamulkaas dhaqaalaha Soomaaliya ee Public Financial Management loo bixiyay ee shirkan Washington iyo midka London ee May lagu gorfaynaayo.

Sidaas oo ay tahay, waxa haatan booqasho ku jooga magaalada Washington wafti Somaliland ah oo uu Madaxwayne Silanyo hor kacaayo, sababta ay halkaas u aadeen na ilaa hadda si rasmi ah looma shaacinin. Si kastaba, hadii ay shirkaas u tageen waftiga Somaliland wadanka USA, waxay macno-la’aan ka dhigaysaa asbaabtii lagu dhisay diidmada Somaliland ee shirka May ka dhici doona London.

Shirkaas Xukuumadda Ingiriiska oo uu koow ka yahay Ra’iisal Wasaare David Camaren ayaa Somaliland kula taliyay inay ka soo qayb galaan, laakiin Somaliland way diiday.

Diidmadaasi waxa ay Somaliland uga dhigantahay, iyo waxa ay yeeli karto xidhiidhka London iyo Hargeysa ma aha mid si balaadhan loo darsay ilaa haatan.

Sida la xasuusanyahay, waxa jirtay inay Somaliland diiday, hadana ogolaatay, shirarkii kal hore ee Ingiriiska February 2012, iyo Turkiga May 2012. Waxa la tilmaamaa inay mawqifyadaas is bedbedaalaya sabab u tahay qorshe la’aan dhinaca siyaasadda amuuraha debedda ee Somaliland, iyo wada tashi la’aan ka jirta Xukuumadda dhexdeeda iyadoo hawlahan hal qof oo kaliya uu maamulo.

 

 

Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries | Global development . Mark Tran, The Guardian

 

http://www.guardian.co.uk/global-development/2013/apr/19/somalia-yardstick-new-deal-conflict-countries

 

Comments are closed