|

Shirka Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho May 14, 2024 (QJ)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah, kaasoo maanta ka furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa ka wada hadlaya xaalada amni ee dalka, gaar ahaan dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, oo ciidamada xoogga dalka ay ka xoreeyeen deegaano badan oo markii hore ay ka ariminayeen kooxda, iyo dhamaystirka dastuurka dalka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Puntland ayaan ka soo xaaridin Shirka Maanta madaxda dalka uga furmay magaalada Muqdisho.

Comments are closed