Shirka maalgashiga Baddaha Soomalaiya oo muqdishi ka furmay
Muqdisho November 11, 2023 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah furay shirka dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, kaasi oo lagu soo bandhigayo fursadaha dhaqaale ee kheyraadka badda ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah in ay ka faa’ideystaan fursadaha dhaqaale ee faraha badan ee ka jira badda Soomaaliya. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay si firfircoon uga shaqeyneyso sahaminta iyo soo saarista kheyraadka badda si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka, taasoo ka qeyb qaadaneysa horumar dhaqaale oo waara.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray caqabadaha ka dhalan kara khilaafyada dalka ka jira, kuwaasi oo markii hore caqabad ku ahaa ka faa’ideysiga kheyraadka dalka. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu carabka ku dhuftay in Somalia ay iminka gaartay heer ay u diyaar garoobeyso ka ganacsiga iyo ka faa’ideysiga faa’iidada ka dhalan karta hantideeda badda. Wuxuu ku nuux-nuux saday sida ay dowladda uga go’an tahay abuurista hannaan sharci oo wanaagsan oo loo maro badda dalka.
Shirkan oo lagu wado inuu socdo muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, Wasiirada Maamul Goboleedyada, Safiiro, iyo Shirkado caalami ah oo ku takhasusay howlaha badda.