Shirka Looga Hadlayo Arimaha Garsoorka Dalka Oo Maalintii Labaad Muqdisho Ka Socda
Muqdisho April 02 2013 (SDN)— Shirka looga hadlayo arimaha dib u eegista garsoorka dalka ayaa wuxuu ka socdaa Magaalada Muqdisho iyadoo maalintii labaad uu galay shirka.
Ergada ka qeybgalaysa shirka ayaa ku sugan madasha uu ka socda Shirkaasi ee Hoteel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.
Maanta waxaa ka qeybgalaya shirka Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo sidoo kale wasiirkii hore ee Dastuurka Abukaate C/raxmaan Xoosh Jabriil.
Hadalo kala duwan oo goobtaasi laga jeediyay ayaa dhamaan looga hadlay sida garsoor wanaagsan uu dalka muhiim ugu yahay.
Ergada ka qeybgalaysa shirka ayaa bilaabaya ka doodista qodobada Garsoorka dalka iyadoo shirkani natiijadiisa uu soo baxayo maalinta ugu dambeysay ee Jimcaha.
SDN-Muqdisho