|

Shirka London oo Gobolo awooda loogu qeybsan doono(QORAALKAN KA BOGO)

Nairobi Jan 26,2012(qurbejoog.com)-War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ergeyga gaarka ah ee dalka Britain u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay qodobada shirka iyo ujeedooyinka ka danbeeya.

Qoraalkan ayaa si qeyaxan loogu sharxayaa qodobo ay ka mid yihiin in awood qeybsiga shirka lagu saleyn doono 18kii gobol ee Jamhuuriyadii Soomaaliya iyo hanaankii 4.5 oo isku dhafan.

Qodobadan ayaa lidi ku ah sheegashadii xukuumada Somaliland ee ku wajahneyd shirka London iyo sida uu faaiidada ugu yahay qadiyada Somaliland.

Sidoo kale waxa diirada lagu saaridoonaa sidii kooxda Shabaabka loogu qancin lahaa in ay ka qeybqaataan nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dawlada shirka lagu soo dhiso in aydalka taladiisa la wadaagi doonto dawlada Britain iyo midawga Africa.

Ka boqo qoraalka Ergeyga oo ah mid dheer oo aanu hoosta idiin dhignay

Comments are closed