|

Shirka Golaha Amaanka Ee Ururka Midowga Afrika Oo Lix Madaxweyne Ka Qeyb Galayaan Oo Maanta Kenya Ka Furmay Iyo Ammaanka Gudaha Ee Nairobi Oo Aad Loo Adkeeyay

afrika

Hargeisa-2/9/2014(SDN/QJ)- Guud ahaan ammaanka gudaha dalka Kenya gaar ahaan caasimada Nairobi ayaa si weyn loo adkeeyay shirka shirka golaha amaanka iyo nabada ee Urrurka Midowga Afrika ee lagaga hadlyo la dagaalanka argagaxisada oo maanta si rasmi ah uga furmay caasimada Kenya ee Nairobi. –

Shirkan oo ka soo qeyn galeen madaxda golaha amaanka iyo nabadda ee wadamada ku jira ururka Midowga Afrika, waxa ka soo qeyb galay Lix Madaxweyne oo Afrkaan ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha dalalka Chad, Idirs Deby, Madaxwaynaha dalka Niger, Mahamadou Issoufou, Madaxwaynaha dalka Tanzania, Jakaya Kikwete, Madaxweynha Uganda, Yoweri Museveni, Raisul wasaaraha dalka Namibia, Madaxwaynaha dalka Algeria, Abdelaziz Bouteflika, Madaxwayne ku xigeenka koowaad ee dalka Burundi.

Iyo Madaxweynaha Somalia/ Hogaamiyayaasha ka qeyb galaya shirkan ayaa sheegay in lagu falanqayn doono inta uu socdo iwerwerka weyn ee ay ka qabaan xal u helida halista argagaxisada ka jirta Afrika gaar ahaan dalalka Saxaaraha ka hooseeya ay ku jiraan Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti, waxa kale oo shirkan lagaga hadli doonaa qalalaasaha ka alloosan dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe iyo guud ahaan nabadgelyada qaarada, waxaana shirkaa maanta furay Madaxweynaha Kenya.

Hargeisa SDN/QJ

MaxamedAadan@Qurbejog.com

Concat@Somalidiaspora.com

Comments are closed