|

Shirka Daallo oo kiyoon dhicin isbedel keenay

Carigaabo June 29,2012(SDN)-Shirka maanta uga furmaya beesha Galbeedka Burco buurta Daallo oo soo maray marxalado kala duwan ayaa waxa uu dhaliyay isbedel ku yimi mawqifka dhawr qodob oo xukuumada Somaliland ay hore ugu adkeysaneysay.

Xukuumada Somaliland ayaa hore tiyoo isticmaaleysa dhawr masuul oo beesha ka tirsan waxa ay isugu dayday in ay is hor taagto Shirka Daallo.

Sidoo kale xukuumadu waxa ay dhegaha ka fureysatay soo jedimo dhawr ah oo beeshu ku hoga tusaaleysay xaaladaha ka jira degaanka.

Xukuumada ayaa maanta waxa ka soo baxay muqaalkii u horeeyay oo muujinaya in ay damacsan tahay qaadida tilaabooyin u muuqda isdaaraacin iyo marin habaabin.

Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa shaaciyay in xukuumadu ka fiirsaneyso xukunkii ciidan ee ku dhacay dad shicib ahaa oo dagaal ku dhexmaray ciidamada dawlada xero ciidan oo Hargeysa ku taal.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Shirka marti gelinaya ee Sanaag oo dhawaan hadalo deel qaaf ku ahaa xilka dawladed ee uu hayo isla markana ka dhamaa shirka ayaa u muuqda in uu haatan doonayo in uu is daad raaciyo.

Guddoomiyaha oo booqday degaanka shirka lagu qabanayo ayaa sheegay in hore loogu sheegay warar beena isla markaana aanu waxba ka qabin in shirku furmo isla markaana uu ka qeybgelayo.

isku soo xooriyoo Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa u muuqata haatan in ay garwaaqsatay in shirka aanu sinaba ku joogsan doonin isla markaana ay damacsan tahay in ay qodobada xasaasiga ah ee beeshu ka arin saneyso in ay wax ka qabato.

Laba sababoodba waa ay u sameyneysaa arrinkaas,midi waa tiyoo dooneysa in qodobada xasaasiga ah aan shirka looga doodin bacdamaa ay garwaaqsatay oo taageereyaashooda shirku arrinkaa ku doodaan.

Ta kalena waa tiyoo xukuumadu dooneysa in aaney u muuqan mid jilicsan oo maankeeda ku bedeshay qodoboshir beeleed ka soo baxay,taas oo wado halaq mareen ah ku noqon karta.

Si kastaba ha ahaatee shirka Daallo ayaa mudada uu socdo waxa looga doodi doona arrimo besha mudo ku taagnaa oo haatan u muuqda in wax ka qabashadooda loo midooobay.

SDN-Cerigaabo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed