|

Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo kulan la yeeshay Safiirka Dalka Sweden oo booqosho dalka ku jooga

Hargeysa(QJ)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Kgaliif Axmed iyo Gudoomiye kuxigeenka Golaha Siciid Mire Faarax (Giire) oo ay weheliyaan Xoghayaha Guud Cabdirisaaq Siciid iyo Lataliyaha shirgudoonka Md Xasan Xiis iyo sidoo kale agaasimaha Qorshaynta Naasir Cismaan Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dalka SWEDEN Per Lindgarde oo uu weheliyo madaxa siyaasada Safaarada mr. Yahan Svensson.

Safiirka oo ka mid ah Wufuud tiro badan oo maalmahanba soo gaadhayay Caasimada JSL ee Hargeysa ujeedadooduna tahay sidii ay indhaha u soo saari lahaayeen Masiibadii baaxada lahayd ee soo gaadhay Suuqa ugu weyn dalka Ee WAAHEEN.

Safiirka iyo shirgudoonka ayaa xaalada suuqa waaheen ka sokow waxay ka wada hadleen Xaalada abaaraha ee dalka ka taagan iyo ilaa hadda halka wax marayaan, sidoo kale waxay isla eegeen Xaalada dimuqraadiyada iyo doorashooyinka inagu soo fool leh.

Kulanka oo mudo socday ayaa labada dhinac xogo badan ku kala qaateen iyagoo isla meel dhigay talaabooyin ay tahay in hore loo sii qaado si wax looga qabto baahiyaha abaareed ee taagan, ka qayb qaadashada gurmadka Suuqa Waaheen iyo kor u qaadista Dimuqraadiyada dalka

Comments are closed