Shirgudoonka Cusub ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Punt land oo Xilkii la Wareegay
Garowe 13.Jan 2014 (SDN)- Guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Puntland Saciid Xasan Shire ayaa maanta xilka kala wareegay guddoomiyihii hore Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
Saciid Xasan Shire, guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo ka hadlay munaasabadda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay inuu rajeynayo in baarlamaanka cusub uu Puntland gaarsiin doono meel ka wanaagsan meesha uu hadda joogo.
Guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ku ammaanay xildhibaannadii hore ee baarlamaanka sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen shantii sano ee uu xilka hayay.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji ayaa ka qeyb-galay munaasabadda xil wareejinta.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com