Shir Weyne lagaga arinsanayo Maaraynta iyo Dibu habaynta Maamulka Dhulka oo Xukuumada Dhexe,Iyo Madax dhaqameedka Burco uga furmay DAAWO
Burco 21.April 2015 (SDN/QJ)- Magaalada Burco waxaa ka furmay shirweyne balaadhan oo ay Somaliland kaga tashanayso maaraynta iyo dib u habaynta dhulka, waxaana ka qayb gelaya boqolaal ruux oo isugu jira wasiiro, xildhibaano, badhasaabada lixda Gobol ee waaweyn, madax dhaqameed, aqoonyahano, culima’udiin iyo dadweyne kale oo lagu casuumay, waxaana qabanqaabada shirkaasi qabatay Akademiga nabada iyo Horumarinta S/Land.