Shir Qaran oo la Xidhiidha Shaqo abuurka oo Hargaysa lagu qabanayo
Hargaysa 22.May (SDN) War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada Mud,Maxamud Axmed Barre Garaad,ayaa ku sheegay in la qaban doono shir Qorshe Qaran oo la xidhiidha shaqo abuurka,kaasoo ay qaban qaabinayaan Wasaaradaha: Shaqada iyo arimaha Bulshada, Qorshaynta Qaranka, Hay’adda ILO iyo Daladda dhalinyarada ee Sonyo.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay,in ujeedada shirkani ay tahay sidii loo heli lahaa siyaasad Cad oo lagu ballaadhinayo baaxadda shaqo ee dalka.isla markaana loo furdaamin lahaa caqabadaha hor-taagan koriinka shaqo si looga gudbo,loona yareeyo shaqo la’aanta
Shirkan oo ay ka qayb qaadanayaan Lixdan xubnood oo ka kala tirsan, Masuuliyiinta dawladda,dhalinyarada,Haweenka,Ganacsatada,ururada Bulshada,Qaadhaan-bixiyayaasha,Hay’adaha caalamiga ah,Qaramada midoobay,Madaxda Jaamacadaha iyo Ururada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha,Rugta Ganacsiga.
War-saxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in shirkan ay barbar socon doonto qabashada Bandhig Carwo oo la xidhiidha arimaha shaqo iyo adeegyada iyo wax soo saarka. Shirkaasi qaran oo ku qabsoomi doona Caasimada dalka Somaaliland ee Hargeysa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com