Shir lagu Gorfaynayay Horumarinta iyo Kobcinta Dhaqaalaha oo lagu qabtay Hargaysa
Hargaysa 27.Feb (SDN) Kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee wasaarada Kalumaysiga, Beeraha, Xanaanada Xoolaha ,Wershada, Baanka S/land iyo hay’ada FAO , kaasi oo lagaga had-layey Kobcinta dhaqaalaha ayaa maanta lagu qabtay Xarunta wasaarada kaluumaysiga ee magaalada Hargeysa.
Agaasimaha Guud ee wasaarada Kaluumaysiga Mud, Maxamed Cilmi Aadan oo kulankaasi ka dib u waramayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in kulani uu ahaa mid ay ku gor-faynayeen sidii loo hor marin lahaa dhaqaalaha iyo sidii loo heli lahaa hanaankii loo raaci lahaa dhaqaala kobcinta.
Mud, Maxamed Cilmi aadan waxa uu intaa raaciyey in kulanka ay ku soo qaadeen oo kale sidii ay isku xidh-naan iyo iskaashi ay u yeelan lahaayeen wasaaradaha kulanka ka soo qayb galay iyo hay’adaha kale ee dhaqaale soosaarka, si taasi ay u sahasho qorshaha kob-cinta dhaqaalaha.
Agaasimaha Guud ee wasaarada xanaanada Xoolaha oo isna ka hadlay kulanka iyo ujeedadiisa ayaa sheegay,in kulankooda ay kaga hadleen sidii loo heli lahaa isku xidhnaansho guud ,waxaanuu xusay in isku xidh-naantaas lagu gaadhayo sidii loo dejin lahaa loona heli lahaa jidkii loo mari lahaa dhaqaale kob-cinta.
Waxaanuu Agaasimaha Guud ee Xanaanada Xoolaha uu sheegay oo kale in dhaqaale kob-cinta ay ka horayso in la helo qorshe iyo yool iyo xog gundhig u noqota dhaqaala kob-cinta alka la higsanayo.
Hargaysa SDN.