|

Shir hawleed lagaga hadlayay Tayaynta Caafimaadinta Xoolaha oo Garowe lagu soo Gunaanaday

Garowe 03.October 2013 (SDN)- Wasaaradda  xanaanada xoolaha ee Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ugu soo gababaysay shir u socday guddi Punland u qaabilsan tayo dhowrka caafimaadka ee cunooyinka laga keeno dalka dibaddiisa, kuwaasoo qaarkood la sheego in laga qaado xannuuno halisa.
saw 7Guddigaan  waxay isugu jiraan xubno ka kala socda wasaaraddaha dowladda Puntland iyo jaamacaddaha, waxaana loo xil saaray inay baaritaano buuxa ku sameeyaan cunnooyinka dibadda laga keeno.
Wasaaaraddu waxay sheegtay in cuduro badan oo uu kamid yahay Cancerka  laga qaado cuntooyinka lagasoo iibgeeyo wadamo caalamka, kuwaasoo inta badan aan soo marin kantaroolka tayada iyo waqtiga dhicitaan ee cunnooyinka iyo raashinka.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com

Comments are closed