Shir ka Dhacay Aqalka Baarlamaanka ee Dalkan UK oo Arrimaha Jamhuuriyada Somaliland lagaga Hadlay!
London Mar 19, 2015(SDN/QJ)-Waxa magaalada London ka dhacay shir lagu qabtay dhismaha Baarlamaanka oo ay ka qeybgaleen Xildhibaano ka torsan Baarlamanaka UK iyo xubno ka mida Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi, kulanka waxa qoraalkan ka diyaariyay Ambasador Kaysar Cabdilaahi:
Waxaa Sharaf weyn ii ahayd in Galabta ay noo suurto gashay in Jaaliyadeena aan kala Qaybgalo Shir aad u Muhiim ahaa oo Khuseeyay Arrimaha Masiiriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland uu nooga Qabsoomay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada London….
Shirkan oo ay ka soo Qaybgaleen Xubno ka tirsan Baarlamaanka UK, oo ay ka mid ahaayeen Steven Doughty MP oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Labour Party ahna Xubin laga soo doorto Cardiff South and Penarth,
Kerry McCarthy MP Labour’s Shadow Foreign Affairs Minister lagana soo doorto magaalada Bristol , Gareth Thomas MP iyo Xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka UK. Madaxda iyo Hormuudka Jaaliyada Somaliland ee Magaalooyinka Dalkan UK, iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland ayaa waxa uu ahaa Shir lagaga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah Qaranka iyo Qadiyada Somaliland iyo sidii loo Xaqiijin lahaa Gaadhitaanka Yoolka Ummada reer Somaliland ay Higsanayso ee ah Aqoonsi uu Dalka Somaliland ka helo dunida.
Shirkan ayaa dadkii ka soo qayb galay waxay si weyn uga arrinsadeen sii Xoojinta Xidhiidhka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada Dal ee UK iyo Somaliland iyo sidii ay ay Xukuumada UK usii Xoojin lahayd Taageerada ay u fidiso Somaliland, iyadoo sidoo kale laga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah Qaranka Somaliland iyo gaar ahaan sida Xisbiga Shaqaalaha ee Dalkani ula macaamili doono Somaliland haddii ay ku guuleystaan Doorashada inagu soo fool leh.
Waxaan Mahadnaq aad u balaadhan u Jeedinayaa Madaxda Jaaliydaha ee Sida Wadaniyada iyo Geesinimadu ku jirto mar kasta heegganka ugu ah inay Dalkooda u Hiiliyaan kana Qaybqaataan sidii Qarankeenu uu aqoonsi u heli lahaa, Waxaan Si Gaar ah ugu Mahadnaqayaa Ururka Israac iyo Jaaliyada Sheffield, Ururka Somaliland Solidarity Group ee Bristol, West London Somaliland Community, reer London, reer Cardiff, reer Milton Keynes iyo Jaaliyada iyo Madaxda kale ee Shirka ka soo qayb galay oo aanan magacyadooda halkan ku wada Xusi karin.
Waad Mahadsan tihiin
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed