|

Shir EU iyo Africa uga furmay Brussels, madaxweynaha Somalia oo ka qeybgalaya

Brussels 02.April 2014 (SDN)- Shir ay ka qeybgalayaan hoggaamiyeyaasha 80 dal oo Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ka kala socda ayaa maanta ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Xasan-Sheekh-Maxamuud-300x222Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira hoggaamiye yaasha Afrika ee lagu casuumay shirka oo looga arrinsanayo colaadaha, muhaajiriinta sharci-darrada ku safra iyo casbida ka dhalatay qalalaasaha xag-jiriinta.

Shir gaar ah oo 15 hoggaamiye oo Afrikaan ah ay ka qeybgalayaan oo kulanka barbar socda ayaa lagu wadaa in looga wada-hadlo xaaladda dalka Central African Republic.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo gooni-gooni la qaato madaxda ka qeybgaleysa kulanka.

Brussels SDN

Comments are closed