|

Shir ay ka qeyb galayaan Wafdigii dowladad ee gaaray Baydhabo oo halkaasi ka soconaya

Baydhabo Jan 29 2013 (SDN)– Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay waxaa halkaasi iminka ka socdo shir ballaaran oo ay leeyihiin wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo qaar kamid ah shacabka Gobalka Baay.

Kulanka oo iminka ka socda Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga arinsayaa maamul KMG ah oo loo sameeyo Gobalka Baay oo dadka deegaanka ay leeyihiin.

Wasiirada ka qeybgalaya shirkaasi ayaa waxaa kamid ah wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta Wasiir ku xigeenka Wasaarada adeega Bulshada iyo sidoo kale masuuliyiin kale.

Ujeedada kulaankaan ayaa wuxuu yahay mid lagu doonayo in maamul loogu sameeyo Gobalka Baay oo maalmahan dambe qaban qaabidiisa ay ka socotay Baydhabo.

Wasiiradaan ka tirsan Xukuumadda ee ku sugan Baydhabo ayaa shalay halkaasi gaaray kuwaasi oo oo ujeedka ay utageen ay tahay inay maamul KMG ah usameeyaan Gobalkaasi.

SDN-Baydhabo  

Comments are closed