Shir Amniga looga hadlay oo ka dhacay Galmudug
Dhuusamareeb May 2014 (QJ) -Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shirkii wadatashiga ahaa ee looga hadlayay horumarinta amniga Soomaaliya.
Shirkan oo socday muddo labo maalmood ah ayaa waxaa looga hadlay barnaamijka isku dhafka booliska ee JPP-2, sharciga booliska Soomaaliyeed, qorshaha amniga ee istiraatiijiga ah, iyo ka bixitaanka ciidamada ATMIS.
Wasiir C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ku dheeraaday muhiimadda shirkan uu u leeyahay amniga iyo guud ahaan nabadda Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa isna dhankiisa bogaadiyay sida uu shirka u yahay guul, wuxuuna caddeeyay in Galmudug ay tahay gobol xasaasi ah oo dagaal kula jira Al-Shabaab.
Sidoo kale, shirka ayaa waxaa khudbado ka jeediyay taliye ku-xigeenka booliiska Soomaaliya iyo wasiirrada amniga dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, kuwaasoo ka wada hadlay fursadaha iyo sidii la isaga kaashan lahaa sugidda amniga dalka.