|

Shil Naxdin leh Sadex ka Mid ah Shaqaalaha Somtel oo Geeriyooday kadib markuu la dhacay Taawar ay Samaynayeen

Berbera 12.May 2014 (SDN/QJ)- Saddex qof oo ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda isgaadhsiinta Somtel ayaa ku geeriyooday Degaanka Xabaalo Tumaalo oo u dhaw Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil. Geerida Shaqaalahan ayaa timid ka dib markii Taawar ay samaynayeen la soo dhacay, waxayna kala yihiin

anteen1. Marxuum Deeq Siciid Cismaan

2. Marxuum Cabdiraxiin Maxamed Kaarshe

3. Marxuum Axmed Nuur Cali

Gudoomiyaha Shirkadda Somtel Jaamac Xaaji Maxamuud ayaa tacsi u diray Ehelada Marxuunadaasi iyo Shaqaalaha ay ka baxeen ee Somtel

Tacsida Gudoomiyaha Somtel ayaa u dhignayd sidan:-

“Gudoomiyaha Shirkadda Somtel Mudane Jaamac Xaaji Maxamoud Cigaal waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u diyaraa Dhamaan Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shaqaalaha Somtel Ee Ay ka baxeen Marxuumiinta Kala ah:-

1. Marxuum Deeq Siciid Cismaan

2. Marxuum Cabdiraxiin Maxamed Kaarshe

3. Marxuum Axmed Nuur Cali

Oo ku Geeriyooday Shil-Taawar Oo ka dhacay Deegaan-ka Xabaalo Tumaalo Oo u dhaw Magaalada Berbera, Innaali laahi wa innaa ilahayhi raajicuun.

Gudoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa Marxuumiintaas Inuu Jannatul fardawsa Ka waraabiyo dhamaan Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahan Shaqaalaha Somtel Ee ay ka baxeena Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.”

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Berbera SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed