Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Xadka u Dhexeeya Kenya Iyo Tanzania
Nairobi:Sep,02,2014(SDN/QJ)-Ilaa iyo Haatan waxa la xaqiijiyey in saddex qof ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay Xadka ay wadaagaan Labada dal ee Kenya iyo Tanzania.
Burburkii Diyaaradaasi ayaa laga helay meel 15 miles u jirta xuduudka Kenya, iyadoo la sheegay inay ku wada geeriyoodeen saddexdii qof ee la socotay Diyaaradda.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Foker F 27 MK 500 ayaa laga sugayey inay Fiidnimaddii xalay soo caga-dhigato Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi, balse taasi ma dhicin oo dhexda ayey ku dhacday.
Diyaaradda ayaa burburtay wax yar kadib markii ay ka soo duushay Garoonka Mwanza Airport ee dalka Tanzania,waxayna ku dhacday Deegaanka Seregetii oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Tanzania.
Shirkadda Diyaaradda ee Safari Express ee inta badan duullimaadyadda Dalxiiska qabanqaabisa ayaa lahayd Diyaaradaasi burburtay.
Shilalka Diyaaradaha ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey kusoo badanayey deegaanada dalka Kenya, waxana muddo ka hor diyaar qaad sidday ku dhacday gudaha Magaalada Nairobi, iyadoo halkaasna ay ku dhinteen shaqaalihii saarnaa diyaaradaasi.
SDN/QJ