Shiinaha oo Dhisaya Garoonka Muqdisho,Cisbitaal Banaadir iyo Golaha Murtida iyo Madadaalada
Shanghai 26.Aug 2013 (SDN) Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa Ballanqaaday iney dib u dhis ku sameyneyso dhowaan Golaha Murtida iyo Madadaallada (National Teater), Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir iyo Garoonka Ciyaaraha (Stadium Muqdisho), kadib kulan ay Mas’uuliyiinta Shirkadaasi ay magaalada Shangahai kula qaateen Ra’isulwasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Isbital-BandirWasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalimaga ah ahna R/wasaare ku xigeen Marwa Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogtay dalka Shiinaha ayaa waxa ay la kulantay shirkad qaabilsan dhanka ganacsiga iyo dhismaha oo dalka Shiinaha laga leeyahay.
Sidoo kale Shirkadahaasi waxaa ugu waaweynaa shirka dhiseysa garoonka Kubbadda Cagta ee Muqdisho Studium, Tiyaatarka iyo Banaadir Hosbital, shirkadan oo sheegtay iney qaadaneyso Sadexdan Mashruuc iyagoo aan dowlada Soomaaliya waxba dhaqaale ah weydiineynin ayeey R/wasaare ku xigeenku ku dhiirigelisay iney sida ugu dhaqsiyaha badan ku dedejiyaan howlahaasi.
Wafdiga Soomaalida ayaa waxaa ka yaabiyey in Shirkada ay soo bandhigtay naqshada iyo qaabka ay doonayaan iney u hagaajiyaan Sadexdaasi dhismo taas oo aheyd mid aad u qurux badan oo soo jiidatay R/wasaare xigeenka iyo madaxdii la socotayba.
Waxaa kaloo R/wasaare ku xigeenka ay la kulantay Shirkado kale, kuwaas oo ay ka dalbaday iney dib u dhis ku sameeyaan waddooyinka marka laga reebo kuwa Turkigu dhisayo.
Sida la ogsoon yahay Dowladda Shiinaha ayaa waxay ka mid tahay dalalka dhinaca dhismaha aadka ugu horeya iyadoo sadexda xarumood oo ay dayactirka ku sameynayaan ay ka mid ahaayeen mashaariic ay dowlada Shiinihu hore uga hurgelisay dalkeena Soomaaliya.
Shanghai