Shibirkii ku Noolaa Beedka Shinbiraa
Noole kasta oo ilaahay aduunyada korkeeda ku uumay wax u arko ama ilaashado, xanaaneeyo, waxaa uu u jecelyahay waa ubadkiisa, bulshadaa ka dhigan tusaalahaas oo kale, shacab kasta haduu yahay ,qoomiyad, beel, xaafad ,waxaa kaalintii ubadka ugu jira waxgaradkeeda haduu yahay mid dhaqan ama mid siyaasadeedba, hadaan hoos ugu dhaadhaco wakhtigii somaliya ay dhabada burburka cagta saartay sheekadu waxaay ka bilaabantay in waxgaradkii siyaasiyiintii ganacsatadii, saraakiishii, mutacalinkii, gobolada waqooyiga loo arko cadaw ka dib laga dhigay wax la la’aayo iyo badh la xidhxidhaba, malmaahas oo la magac baxay (maalmihi casaa) (the red days) akhirkiina sababay burbur galaaftay dhamaan magacii Somaliwayn guri kasta oo somaliyeedna dabkii halkiisii ugu tagay mid ogaa iyo mid mooganaaba.
Laga soo bilaabo maalintii shirwayniihii labaaad ee lagu dhisaayey hogaanka xusbiga KULMIYE ee ka qabsoomay magaalada hargaysa ambassador Hotel ee musharaxa madaxweyne uu ka ahaa Axmed Xuseen Ciise ee iska daa wax kalee musharaxaas loo diiday inuu xita kadhkii ka qayb galka xaflada la siiyo, ilaa kii lagu qabtay magalo madaxda gobolka togdheer ee burco ee lagu soo dooranayey mushraxa madaxweyne iyo kuxigeenkiisa ka dibna tageerayaashii xusbigu u calaamadeeyen in la doorto labada mujaahid ee kala ahaa Axmed Siilaanyo iy C/raxmaan Tolwa, lakiin mudo gaaban dabadeed la arkay tageerayaashii beelaysnaa in ay olole ka dhana bilaabeen maalintii doorashada muj C/raxmaan Tolwa, taaso la toosiyey mudane Saylici oo aan u feedhan waligii inuu noqdo madaxweyne kuxigeen lakiin ay ku noqotay (dhidar onkod kiciyey) markii wax walba la fushaday iyadoo aanay ahayn go’aan shacabkii kulmiye lakiin dadka badankiisu is yidhaadeen haduu kani yahay qaladkii u horeeyey dulqaad hala mujiyo laakiin ay ku haboonayd qaladka halkiisa in lagu qabto ayaa waxaa jiray rag arintaas ka hadlay oo uu ka mid ahaa muj Dhagawayne kadibna loo sheegay inaan waxba laga dhagaysanayn waana tii sababtay in muj Dhagaweyne sidaas candhuuftiisa uu dib ugu liqo, ilaa shirwaynihii kale ee aan caadiga ahayn kuna jirin sharci hoosadka xusbiga laakiin ujeedada gaarka ah laga lahaa ee mujaahid Cabdraxmaan C/qaadir laga tuuray halkiisiina la galiyey mujaahid Maxamed Kaahin markii loo arkay maslaxada beesha madaxweynuhu ka soo jeedo inay sidaa ku jirto, ilaa dagaalkii aan kala hadhka lahayn ee lagu qaaday ururkii xaqsoor ee gaadhay xitaa in la yidha ururkaas codkiisii hargaysa lama hayo.
Moogane waxaa jirtay Dr Gaboose inay isku biireeen ururkii u hogaaminayey ee Qaran iyo KULMIYE taasoo ay sababtay markii xusbigii talada hayey wakhtigii kulmiye ahaa mucaaradka ee UDUB uu is-hortaag ku sameeyey in ururada doorshadooda ay dhacdo wakhgtii loogu talo galay, ka dib markii kulmiye ku guulaystay doorashii danbe ay noqotay in dhakhtarka laga dhigo wasiirka arimaha gudaha, ka dib markii ay gaadhay wakhtigii uu sugaayey,waxaa uu iska casilay jagadii uu ka hayey xukumadii Siilaanyo si uu uga midha dhaliyo ujeedadii kaliya ee uu lahaa oo ay ahayd inuu maruun maqlo dr Gaboose oo la leeyahay mudane madaxweyne salantaada waxaa u diyaara cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, lakiin nasiib daradii ugu waynad waxaay noqotay madaxweynihii dhagta bidix wax ka maqli jiray inuu ilaabay abaalkii iyo waliba halku-dhagii beesha uu ka soo jeedo ku odhan jiray dhakhtarka, waxaay socotaba Gaboose waxaa u dhaxalay in lagu qaado dagaal aanu cadaawadiisa ogayn meel ay ka bilaabantay.
Maxaa sababay xil ka qaadistii muj Maxamed Xaashi Cilmi?
Waxaa u sabab ahaa dhawr qodob oo ay ka mid ahayeen
1. In Maxamed Xaashi sidii caadada u ahayd uu ahaa shakhsi ujeedadiisa koobad ahayd dhaqaale ururin kobcinta horumarka wadanka iyo waliba shaqo abuurista.
2. In markii wasiiradii ugu awooda badnaa dawlada kulmiye uu nin waliba samaystay qasnad ka baxsan ta dawlada ka dibna lacaga ka soo dhaca meelaha kala duwan ee sida ta caalimiga ah (international investment ) ay si gaar ah u maamushan uu ka diiday kuna amray in lacaga la soo dhigto banka qaranka (the national bank) qarashkoodana ay u soo badhigan xukumada dakhligoodana ay ka muuqato lacaga ka soo xarooda meelaha kale (expenditure and income)
3. In markii uu arkay in ganacsada wayn ee Axmed Geele u qaaday talaabo xaga horumarka ah taasoo wada saamaynaysa qaranka in uu bilaabo maalgashii heer sare ah in uu wadanka keeno kanbaniga wayn ee caalamiga ah ee coca cola, isla wakhtigaas oo uu wasiirku go’aan ku gaadhay in uu si loo kobciyo dhaqaalaha wadanka la xakameeyo sharabkii dibada ka imanaayey iyadoon taas lafteeda aan la joojinayn lakiin wasaaradu ka yeelatay siyaasad in cashuurta lagu kordhiyo sharabka yemen iyo sacuudiga laga keeno, inkasto siday ahayd wasiirka laftiisu markaas aanu u wada dhaqan galin waayo waxaay ahayd in la joojiyo ka dibada marhadii wadanku yeeshay warshad sharaabka soo saarta si ganacsatada wadaniga ah anay u khasaarayn shirkado ajaaniba ahi ,lakiin kamay madhnayn in la xeerinayey ganacsatada yaryayr ee diaali irtay , isa soo gurtay wasiirku wareegto soo saar sharabka dibada cashuurta lagu kordhinaayo ,lakiin isla subaxii ta wasiirka la arkay habeenkeedii ayuu madaxweynuhu soo saaray wareegto kale oo ficil cadifad qabil ku salaysani ka muuqdo oo ku cuskaday inaan sharabka dibada laga keeno gaar ahaan yaman iyo sacuudiga cashuurta lagu kordhin Karin wasiirkuna aanu amarkaas oo kale soo saari Karin,taaso markii danbe shacabka reer Somaliland ku macneeyeen in ganacsatadii sharabka dibada ka keeni jirtay iyo madaxweynuhu isku hayba ahayeen taasi ay keentay in la madax jabiyo wasiirkii qudha ee dan qaran u tagnaa.
4. Wasiirka wasaaarada macdanta oo ka mid ahaa wasiirada ugu xagjirsan dawalda hada wadanka ka talisa oo ay isla wakhtigaas iskaga horyimaadeen in uu lunsaday hanti aanu ku soo ridin qasnada dawlada ka dib su,aalo badan oo ka yimi xaga wasiirkii hore wasaarada maaliyadu ku dalbanayey in lacagtaas ladhigo baanka iyo arimo badan oo kaga imanayey xaga wasaarada madaxtooyada ayuu malin maalmaha ka mida go,aanku gaadhay inuu xilka iskaga tago lakiin baryo wakhtigaas lamoodayey daacad ayaa xaga madaxweynaha ka imanaysay inuu Maxamed Xaashi sii joogo wasaarada lakiin aqbaladii wasiirka ka dib ayaa hadana la bilaabay in lala soo dhusleeyo in laga qaado xilkii uu horeba cabashada uga soo gudbiyey.
Hadal kuma soo wada koobi karo dhibanayaashii doortay siilaanyo dagaalkii lagu qaaday ee xidhnaa shaadhka qaran hoostana ka xidhnaa shaadhka qabiil, laakiin shacabkii reer Somaliland ee min bari ilaa galbeed waqooyi ilaa hawd waxaa hoday shantii xaraf ee ku xardhanaa xusbi la moodkii KULMIYE.
Nin baa yidhi waligayba laba isa saarayo laba ismaan saarin, waxaan u cuskaday mahmaahdan somaliyeed ,wax fajac iyo amakaag iyo u qaadan waa ku noqday shacabkii Siilaanyo 100% codka, dhaqaalaha, iyo wakhtigaba ugu deeqay ,in uu badal uga dhigay in uu haldoorkoodii ama waxaan odhan karo madaxweyneyaashii kaydka ahaa inuu maalinba mid hortooda ku cuno iyaguna ay wali ilaalinayaan karamada qaran iyo ta xusbiba ,waana ta aan astaanta uga dhigtay inaan ku maahmaaho (Shinbirkii ku noola beedka shinbira)
Qallinkii ;; Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle)