Sheffield oo Aqoonsi u Fidisay Somaliland,Iyo Madax ka Socota Somaliland oo ka Qayb gashay
Sheffield 02.April 2014 (SDN)- Xildhibaanadda golaha deegaanka ee maamula dawladda hoose ee magaaladda Sheffield ee dalka Britain ayaa maanta shaaca ka qaaday inay aqoonsadeen madax-banaanida Somaliland.
Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 88 Xildhibaan, waxa ogolaaday inay Madax-banaanida Somaliland 86 Xildhibaan, waxa diiday hal Mudane, isla markaana uu ka aamusay hal xildhibaan oo kale.
Shirkan waxa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdilaahi (Cirro).
Sidoo kale waxa lagu wadaa in ay shirkan golaha deegaanka Sheffield ka qayb-galay boqolaal ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinka dalka Ingiriiska gaar ahaana kuwa ku degan magaalada Sheffield, kuwaasi oo xarunta golaha deegaanka ka dhigay dibad-bax balaadhan oo loogu mahad celinayo Golahaasi qaaday.
London SDN.
Qurbejoog@gmail.com