Sheekh Shariif:Waan isu soo Taagayaa Madaxtinimada dalka
Nairobi June 22,2012(SDN)-Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday in kolka uu dhamaado mudada KMG ah uu dib isugu soo taagi doono xilka uu haatan hayo.
Madaxweyne Shariif waxa uu sidaa u sheegay boga Internetka ee AFP kiyoo ku sugan magaalada Nairobi oo ay ka socoto dooda Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif ayaa AFP u sheegay in hadii dadka Soomaaliyeed ay ka ogolaadaan uu damacsan yahay in uu xilka sii hayo.
Beesha caalamka ayaa in dhawaaleba ka sheqeyneysay sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa nidaamka KMG ah ee 21 sanadood dalku ku sugnaa.
Sheekh Shariif waxa uu AFP u sheegay in mudadii uu xilka hayay haatan uu xooga saaray la dagaalanka Argegixisada,hadii dib loo doortana waxa uu sheegay in uu doorkan xooga saari doono dhanka horumarka.
Sheekh Shariif ayaa mudadii uu hayay xilka madaxweynenimo waxa uu isku bedelay sadex raiisul wasaare,waxaana xukuumadiisa lagu eedeeyay in ay musuq maasuqa waxba ka qaban.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com