Sheekh Shariif:AMISOM ayaa dalkii Nabadeysaye ku soo Noqda
Kampala May 20,2012(SDN)-Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sSoomaalida Ugaandha ugu baaqay in ay dalkooda dib ugu soo noqdaan bacdamaa iminka la sugay nabadii.
Shariif oo Kampala kula hadlay ilaa 200 oo Soomalida Ugaandha ku nool ka tirsan ayaa sheegay in ciidamada Ugaandha iyo kuwa Burundi ay nabadeeyeen Muqdisho.
Ciidamda AMISOM ayuu Sheekhu ku sheegay in ay nabad taama ka hirgeliyeen dalka Soomaaliy.
Madaxweynuhu waxa uu dadkii dhegeysanayay u jeediyay baaq uu uga codsanayo in ay dalkii dib ugu soo noqdaan oo ay ka qeyb qaataan dib u dhiska.
Ku xigeenka safiirka Soomalia ee Ugaandha Musa Bashir ayaa saxaafada u sheegay in kulanka madaxweyne Shariif uu daaranaa sidii Soomaalidu uga qeybqaadan laheyd doorashooyin uu sheegay in ay dhacayaan November sanadkan.
SDN-Kampala