Sheekh Shariif oo ka horyimi Xasan Sheekh
Muqdisho March 21, 2024 (QJ) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn ka hadlay nidaamka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo inuu wax kaga bedelo dastuurka iyo sababaha uu uga soo horjeedo. Waxa uu sheegay in uu taageersan yahay Dastuur horey loo qoray, laguna heshiiyey, isla markaana uusan aqbalayn in hal dhinac laga bedelo.
Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa walaac ka muujiyay hufnaanta kulamadii u dhaxeeyay labada gole ee Baarlamaanka ee ku saabsanaa wax ka bedelka dastuurka iyo halka ay marayaan, taasoo muujineysa in aan la soo gaba gabeyn. Waxa uu ku nuux-nuux saday in dowladda Soomaaliya ay xiligan xooga saarayso arrimaha qabaa’ilka oo keeni kara kala qeybsanaan shacabka dhexdooda ah.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in haddii aan dastuurka lagu ansixin is-af-garad aysan shacabka Soomaaliyeed aqbali doonin, ayna horseedi karto kala qaybsanaan hor leh.